Ruushka oo hal meel ku ceeboobey intii uu socdey Dagaalka Ukraine (Boqolleey aan macquul u ekayn oo soo baxday)

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Gantaalaha la hago sida kuruuska iwm ee uu Ruushku isticmaalay intii uu ku guda jiray duullaanka uu ku qaaday Ukraine ayaa bartilmaameedkoodii ku guul darreystay heer gaaraya 60%, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka, taasoo ay sheegeen inay keentay gaabiska ku yimid horumar uu Ruushku ka sameeyo dagaalka.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin amray duullaanka Ukraine 24-kii Febraayo, Ruushku wuxuu ku guuldareystay inuu gaaro ujeedooyinkii aasaasiga ah sida inuu fasaqo cududda howlgal ee Ciidamada Cirka ee Ukraine oo ay aad uga xooggan yihiin. Saddex sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa xogtan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Yeelkeede, saraakiisha Maraykanka, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda xogtan, ma aysan soo bandhigin cadaymo taageeraya qiimeynta ay sameeyeen, mana aysan shaacinin waxa dhabta ah ee keenaya heerka sare ee fashilka gantaalaha Ruushka.

Reuters lafteedu way awoodi wayday inay si madaxbannaan u xaqiijiso tirooyinkan boqolleeyda ah ee lasoo bandhigay, balse 2 khabiir oo kale oo ay Reuters la hadashay ayaa sheegay in boqolleey kasta oo ka badan 20% loo tixgelin karo fashil marka ay timaado saxnimada laga doonayo in gantaalaha la hago ay ku dhacaan bartilmaameedkooda.

Dhanka kale, Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in waxa ay ugu yeereen “howlgalka millateri ee gaarka ihi” uu ku socdo sidii loo qorsheeyay, Ruushkana uu ku guuleysan doono dhammaan ujeeddooyinkiisa.

Waxa ayna Maraykanka ku eedeeyeen in uu yahay “Boqortooyadii beenta” kaasoo dagaal-xogeed ay dacaayado badani ka buuxaan ku qaaday Ruushka.

Hadalsame Media