”Ka daa xaaskayga afkaaga xun!” – Will Smith oo masraxa ku feerey jilaa kale & waxa dhacay (Daawo)

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Jilaaga caanka ah ee Will Smith ayaa ku guulaystey Jilaaga ugu Wanaagsan xafladdii Oscars 2022, balse waxay taasi timid kaddib markii uu dharbaaxo laqsiiyey Chris Rock bilowgii xafladda.

Jilaaga ayaa billadan ku qaatay bandhiggiisii King Richard, kaasoo uu ciyaarayey doorka Richard Williams, oo ah aabbaha gabdhaha xiddigaha ah ee ciyaarta teeniska dheer ee Serena iyo Venus Williams.

Dhacdo naxdin leh oo taa ka horreeysey ayaase qabsatay sheekada dadka, Smith ayaa la arkayey isagoo fuulaya masraxa si uu u dhirbaaxo Rock kaddib markii majaajiliistahani uu ku kaftamay xaaska jilaaga ee Jada Pinkett Smith.

Smith ayaa goortaas la maqlayey isagoo qaylinaya: “Magaca xaaskayga ka ilaali afkaaga xun.”

Rock oo laftiisu ah jilaa maadyahan ah oo barnaamijka xiriirinayey ayaa ku kaftamay madaxa xiiran ee xaaska Smith, iyadoo ay Pinkett Smith dhowaan sheegtay inay madaxa iska xiirtay kaddib markii laga helay bugtada alopecia oo madaxa kasoo saarta baro garooman oo ay tintu ka maqan tahay.

Khudbad qiiro leh kaddib guushiisii Oscar, Smith wuxuu yiri: “Richard Williams wuxuu ahaa difaace adag oo qoyskiisa ah.”

Waxa shilka kaddib la arkayey jilayaasha Denzel Washington iyo Bradley Cooper ay isku dayaya inay dejiyaan Smith kaddib markii uu dhakaaryada la helay Chris Rock.

Hadalsame Media