”Weligeen ma arag cid sidan loola dhaqmay!” – MW Ukraine oo muujiyey tanaasulkii ugu waynaa islamarkaana aad uga sheegtay dhibka Ruushku gaarsiiyey

0

(Kyiv) 28 Maarso 2022 – Ukraine oo qaadan kartaa maqaam dhexdhexaad ah kaasoo qayb ka ah heshiis nabadeed oo lala galo Ruushka, sida uu xalay qiray Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo dhanka kale diidey in uu gorgortan ka galo in la qaato qayb ka mid ah dhulkiisa.

Waxa uu u sheegay weriye Ruushan ah oo madax bannaan – waloow looga digay in ay sii daayaan wareysiga – maadaama heshiiska noocaas ihi uu u baahan in afti qaran loo qaado, waxaa uu Zelensky qirtay in duullaanka Ruushku uu baaba’ xooggan dalkiisa u gaystey isagoo xusay inuu xitaa ka daran yahay midkii Jeejniya.

”Dammaanad-qaad amni iyo inaan dhexdhexaad noqonno (yacni aysan NATO ku biirin), islamarkaana aan noqonno dal aan nukliyeer lahayn. Waxaan diyaar u nahay inaan dhankaa aadno. Waa qodobka ugu muhiimsan,’ ayuu yiri MW Ukraine.

Waxa uu dhanka kale sheegay in heshiis nabadeed uusan suuragal noqon doonin haddii aan la joojin xabadda oo aysan dalkiisa ka bixin Ciidamada Ruushku, isagoo ku calaacalay in magaalada Mariupol la go’doomiyey, dekedda la miineeyey.

“Xitaa ma garanayo cid ay Ciidanka Ruushku ay sidan ula dhaqmeen,” ayuu ku qayliyey isagoo tilmaamay in aanu Ruushku sidaa u burburin xitaa Chechnya.

Warka MW Ukraine ayaa imanaya xilli uu MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan uu maanta telefoonka kula hadlay dhiggiisa Vladimir Putin halkaasoo hoosta looga xarriiqay sida loogu baahan yahay xabbad joojin deg deg ah.

Turkiga oo horay u martigeliyey wareeg wada hadal ah ayaa lagu wadaa in markale lagu qabto kulan kale oo ka dhacaya Istanbul.

Hadalsame Media