“Waxaa muuqata munaafaqad!” – 2 dal oo Khaliijka ka tirsan oo dagaalka Ukraine ka muujiyey mowqif aysan filayn Galbeedku

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2022 – Dalka lagu tilmaamo ologga ugu wayn ee Maraykanka ee aan NATO ahayn ee Qadar, oo ay weheliso Sacuudi Carabiya, ayaa reer Galbeedka ku ceebeeyey inay si aan qiyaas lahayn ahmiyad u siiyeen Ukraine marka loo eego iskahorimaadyada ka jira waddamada Bariga Dhexe.

“Dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee aan ku aragno Ukraine, waxay ahaayeen dhibaato soo gaaraysey dalal badan oo gobolkan ah muddo sanado ah, waxna ma dhicin,” ayuu ku dooday Wasiirka Arrimaha Dibedda Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani, oo tilmaamay in intii lagu jirey wadahadallada Madasha Doha Forum ee sanadlaha ah Sabtigan.

Waxa uu xasuusiyay wufuudda “weerarradii arxandarrada ahaa ee ka dhanka ahaa dadka Suuriya, ama Falastiiniyiinta, ama Liibiya, ama Ciraaqiyiinta, ama Afgaanistaan,” ayuu yiri isagoo raaciyey, “Weligay ma arag jawaab caalami ah oo ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas.”

Mowqifka Qadar waxaa taageeray Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farhan, kaasoo ku dooday in “jawaabta bulshada caalamku ay aad uga duwan tahay kuwii hore.”

“Midnimada Trans-Atlantic ee hadda (Yurub Galbeed iyo woqooyiga Ameerika?, waa mid ammaan mudan. Laakin waxaan filayaa in aad sidoo kale wanaajisaan sida aad ula hadlaysaa dunida inteeda kale.” ayuu raaciyay.

Qadar iyo Saudi Arabia ayaa loo arkaa xulafo istiraatijiyadeed oo ay leeyihiin reer Galbeedku, iyadoo Maraykanku uu dhowaan Qadar ku abaalmariyay maqaamka “ologga ugu wayn ee aan NATO ahayn”.

Labadan dal ee qaniga ah ee Khaliijka ayaa ilaa hadda mowqif dhexdhexaad ah ka taagan xaaladda Ukraine, sababo la xiriira xiriirka ay la leeyihiin Ruushka.

Washington iyo Brussels ayaase waxay rajeynayaan in Dooxa iyo Riyaad ay kor u qaadaan wax soo saarkooda saliidda si loo yareeyo ku tiirsanaanta reer galbeedka ee tamarta Ruushka.

Waraysi uu CNN siiyey horaantii todobaadkan, ayuu si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Tamarta Qadar, Saad Sherida al-Kaabin, ku sheegay inaysan macquul ahayn inay Galbeedka u buuxiyaan booska gaaska Ruushka isagoo  sheegay in Dooxa aysan cunaqabateyn ku soo rogi doonin saliidda iyo gaaska Ruushka isagoo soo jeediyey in “tamartu ay ka fogaato siyaasadda.”

Hadalsame Media