Turkiga oo markale isu keenaya Ruushka & Ukraine (Goorta oo la shaaciyey)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2022 – Ninka wadahadalka Ruushka ugu qaybsan Ukraine ee David Arakhamia ayaa Axaddan ku dhawaaqay in wareegga xiga ee wadahadallada u dhexeeya Kyiv iyo Moscow ay ka dhici doonaan Turkiga 28-ka oo berri ah illaa 30-ka Maarso.

Arakhamiya ayaa sidaas ka sheegay baraha bulshada. Ukraine waxay ku tilmaantay wadahadallo hore oo ay la yeesheen Ruushka, oo bilowday kaddib markii Ruushku uu duullaan ku qaaday bishii hore, mid aad u adag.

Ankara ayaa horraantii bishan magaalada Antalya ku martiqaaday Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Ukraine.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo Dmytro Kuleba ee Ukraine ayaa wadahadallo ku yeeshay magaalada loo tamashlaha tago ee Antalya ee Turkiga, kaasoo uu Çavuşoğlu ka qayb galay.

Wadahadallada ayaa intooda badan ahaa kuwo aan natiijo lahayn, laakiin Ankara waxay u aragtaa in u ay si guul ah ku dhaceen oo ay bilow fiican ahaayeen.

Hadalsame Media