Arrin ceeb ah oo ka dhex jirta Ciidanka Xoogga oo la “kashifay” (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2022 – Waloow nidaanka haatan jiraa uu aad ugu faano inuu wanaajiyey dishibiliinka ciidamada misna waxaa muuqda iimo badan oo xirfadeed sida in loo adeegsado siyaasadda oo ay haatan wax kastaahi isku milan yihiin.

Yeelkeede, Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, oo waraysi siiyey Universal ayaa kashifay iimo kuwaa ka waawayn oo diiddaya in la dhiso ciidan qaran oo micne leh.

Waxyaabaha uu jeneraalkan ruug caddaaga ihi kashifay waxaa ka mid ah in ciidanku uu xuduudo qabiil leeyahay, taasoo ka dhigaysa ciidamo beeleedyo tuutaysan.

Tusaale, askari lama gayn karo gobol ama degmo uusan qabiil ahaan kasoo jeedin, sidoo kalena ciidanka jooga ma xukumi karo nin aan ahayn qabiilka meesha u badan, taasoo aragti gaaban oo ka timid dhanka madaxda maamullada oo nasiib darro saamayn badan ku yeeshay howlihii DF.

Waxaa kale oo aan jirin oo ay qabyaaladdu meesha ka saartay in qofku wax ku helo istaahil (meritocracy), taasoo keenaysa in qof dallacsiin u qalmey loo diido maadaama uu horay xil u hayey mid kale oo ay isku beel yihiin.

Tan kale ee ugu daran waa in ciidankii oo ah qabaa’il tuutaysan la kala geeyo gobollo qaab qabiil u abla ablaysan, taasoo xitaa gacan wayn ka gaysanaysa in beeluhu isku diriraan hubkii qaran ee iyaga lagu ilaalin lahaa laguna kala ilaalin lahaa.

Waxaa horay aad loogu dhaliilay in ciidanku aanu lahayn silsilad talis oo ay maamulaan saraakiil khibrad leh iyadoo dhallinyaro oo aan xitaa gaashaanle istaahilin jeneraallo lagu sheegay oo la yiri waa “talis ciidan” si dano gaar ah loogu xasiliyo, waxaana dadkii arrintaa aad u dhaliili jirey ka mid ahaa Jen. Galaal oo walow uu ahaa qofka nool ee ugu khibrad badnaa ciidamada aan marna laga tala gelin ciidan dhisidda.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media

Facebook Comments