ISKA JIR! Google oo la ogaadey inay xadaan xogaha gaarka ah ee qofka (Telefoonnada oo ay dhegeystaan & farriimaha oo ay shubtaan)

0

(Dublin) 24 Maarso 2022 – Sida ku cad cilmi-baaris ballaaran oo la sameeyey, Google waxa ay muddaba la socotey cidda aad kula hadlaysey taleefankaaga iyo farriimahaaga SMS-ka haddii aad isticmaalaysey barnaamij-howleedka Android – tiiyoo aan qofka oggolaansho laga helin ama xitaa aan la siinin ikhtiyaar uu uga baxo ama iskaga xiro app-ka basaasaya.

Douglas J. Leith, oo ah professor wax ka dhiga Trinity College Dublin, ayaa arrintan ku kashifay daraasad cinwaan looga dhigay “What Data Do The Google Dialer and Messages Apps On Android Send to Google?” taasoo uu Google muddo dheer ka xaabsanayey xogaha gaarka ah ee qofka, taasoo ku tumanaysa Xeerka Gaaraynta ee qofka.

“Waxaan ka warbixineynaa xogta Google-ka ay u soo diraan fariin-walayaasha Google-ka iyo Google Dialer ee Android,” ayuu Leith ku sharaxay daraasadda.

“Waxa aanu ogaanay in apps-kani u sheegaan Google marka fariinta/taleefoonka la soo waco/ ama la diro. Xogta uu diro fariin-walaha Google-ka ee Google Messages waxa ka mid ah hash-ka qoraallada fariinta, taas oo u ogolaanaysa isku xirka soo-diraha iyo guddoomaha fariimaha la is dhaafsanayo,” ayuu raaciyey.

“Xogta uu dirayo Google Dialer waxaa ka mid ah waqtiga wicitaanka iyo muddada la wada hadlayey, waxaana markiiba la baarayaa labada taleefoon ee ku hawlan wicitaanka telefoonka.” ayuu yiri.

Marka, Google wuu garanayaa waxa uu yahay awoowgaa oo ku nool Ohio, sidoo kale waxay ogyihiin in qof California jooga uu soo wacay inta ay wada hadlayeen iyo xiraa waxaa laga yaabaa inay xitaa ogaadaan wixii laga wada hadlay.

Wuxuu LEITH sheegay inay arrintan u bandhigeen Google kahor intaysan daraasadda daabicin oo ay ballanqaadeen inay wax ka qaban doonaan oo ay “isbedello badan ku samayn doonaan” apps-ka farriimaha iyo wicitaanka (Messages and Dialer apps), balse aysan u badnayn inay arrintaa ku dhaqaaqaan sida uu horayba u sameeyey milkiilaha Meta ee Mark Zuckerberg oo lagu qabsaday xadgudubyo khusuusiyaadka gaarka ah ee dadka adeegsada Facebook, Whatsup IWM.

Hadalsame Media