Midowga Yurub oo muujiyey inuu tuhun uga jiro cidda ka dambaysey qaraxii ka dhacay Beledwayne

0

(Muqdisho) 24 Maarso 2022 – Danjiraha Midowga Yurub ee Somalia, Tiina Intelmann ayaa ka hadashay qaraxyadii qorshaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledwayne ee ay dadka badani ku le’deen.

Qaraxan oo dadka lagu diley ee weliba sida gaarka ah loola beegsaday ay koow ka tahay Aamina Max’ed Cabdi oo daba taagnayd kiiskii Ikraan Tahliil iyo dilal iyo qaraxyo badan oo horay u dhacay ayay su’aalo badani ka taagan yihiin cidda ka dambaysa.

”Gacan ka hadal ma aha waddo horay u wadaysa Somalia. Midowga Yurub waxay cambaaraynaysaa argagixisada iyo dilalka ay ujeeddooyinka siyaasadeed ka dambeeyaan,” ayay tiri Danjire Intelmann.

”Waxaan tacsi u dirayaan qoyska Xildhibaan Aamina Max’ed Cabdi.” ayay daba dhigtay iyadoo muujinaysa inay lafteedu tuhunsan tahay in dilkaasi aanu Shabaab oo qura ahayn.

Hadalsame Media