”Go’aan kasta oo aad gaartaan waxaan uga jawaabaynaa mid la gudboon!” – Ruushka oo ka aarsaday Maraykanka

0

(Moscow) 24 Maarso 2022 – Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu eryey tiro aan la cayimin oo diblomaasiyiin Maraykan ah, taasoo jawaab u ah amar ka soo baxay Dowladda Maraykanka oo 12 ka mid ah shaqaalaha xafiiska Moscow ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York looga saarayay halkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Arbacadii ay u yeedhay “diblomaasi sare oo ka tirsan hawl-galka diblomaasiyadeed ee Maraykanka ee Moscow” kaasoo ay u dhiibtay “qoraal ay ku taxan yihiin liiska shaqaalaha diblamaasiyadda Maraykanka ee la tarxiilayo kaddib markii loo jaray ”persona non grata”.

Wasaaraddu waxay tillaabadan ku micnaysay inay aargoosi u tahay diblomaasiyiin Ruushan ah oo laga eryey howlgalka Qaramada Midoobay iyo shaqaale Ruush ah oo ka tirsanaa Xoghaynta xafiiska Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca Maraykanka waxaa si adag loogu sheegay in ficil kasta oo cadaawadeed oo uu Maraykanku ku sameeyo Ruushka uu heli doono jawaab adag misna deg deg ah oo la gudboon, sida lagu lagu yiri bayaanka WAD Ruushka.

Washington ayaa horay ugu wargelisey Moscow go’aanka ay ku cayrisey 12-kan diblamaasiyiin ee Ruushka ah iyagoo ku andacoodey in Ruushka la eryay ay ku hawlanaayeen falal basaasnimo oo lid ku ah amniga qarankooda.

Hadalsame Media