Su’aal adag oo ka dhalatay weerarka Marina Gate & wararkii ugu dambeeyey

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2022 – Waxaa la hakiyey dhammaan duulimaadyadii u kala gooshayey gudaha iyo dibedda ee ka bixi lahaa ama kusoo degi lahaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ilaa amar dambe.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay Booliisku tiradooda ku sheegeen 2 qofood ay weerareen bar laga ilaaliyo Garoonka iyo Xerada Xalane oo ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Booliiska Soomaaliyeed.

Waxaa lasoo sheegayaa khasaare naf iyo moodba leh waloow aan weli la cayimin, waxaana uurada baxaysa lagu sheegay haan shidaal oo ku dhow Hangarkii lagu qabtay doorashada Madaxweynaha Somalia oo gubanaysa.

Su’aasha ugu wayn ayaa ah sababta ay ku dhici karto inay kooxda weerarka gaysatey ay gaaraan ilaa afaafka laga ilaaliyo mandiqaddan oo lagu sheego midda ugu ammaanka badan dalka oo ay ku sugan yihiin diblomaasiyiinta shisheeye iyo hay’ado kala duwan, taasoo ah su’aal muujinaysa fashil iyo hab-raac xumi amni oo marar badan oo kalena dhacday in weerar lagu qaado meel aad loo ilaaliyo oo aanay dadku xitaa geli karin, balse uu marka dambe gelayo qaari qaraxyo sida.

Dhanka kale, waloow aad loogu faano inay jiraan Ciidamo Nabad Sugid ah, misna marka laga soo tago faragelinta siyaasadeed iyo u gooddinta iyo tacadiyada dadka rayidka ah, ma muuqdo ciidan sirdoon oo leh xirfaddii, kartidii iyo doonistii qaran ee sugitaanka ammaanka dalka.

Hadalsame Media