“Maalmahanba waa naloo gooddinayey!” – Siyaasi tuhun geliyey ujeedka ka dambeeya weerarkii maanta talana soo jeediyey

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2022 – Hoggaanka Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay weerarka maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha.

“Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas,” ayuu warkiisa ku bilaabay Warsame.

Warsame ayaa dood ay dad badani qabaan ka keenay sida ay ku dhici karto in ilaa meeshaa ay socdaan rag dablay ah.

“Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.

“Dalku wuxuu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, welina hay’adihii amnigana waxay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah.

“Intaan ka badan RW Rooble indhaha kama laaban kartid masuuliyadda kaa saaraan dalka, gaar ahaan amniga iyo hawlaha xil wereejinta xilliga kala guurka ah.

“Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.” Ayuu soo jeediyey.

Hadalsame Media