Booliiska oo faahfaahin ka bixiyey weerarka dhacay & tiradda dadka soo qaaday

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2022 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysani weerar toos ah ku qaadeen qaybo ka mid ah Xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane oo ah Xarunta AMISOM iyo halka uu ku yaallo Garoonka Aadan Cadde.

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haatan arrintan ka hadlay ayaa sheegay in weerarkan laga soo qaaday dhanka bar ka mid ah kuwa laga ilaaliyo Garoonka iyo guud ahaan Xerada Xalane.

Sida uu Radio Muqdisho u sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan, waxaa weerarkan soo qaaday laba qof oo hubeysan oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Argagixisada Al-Shabaab oo iyagu horraanba sheegtay mas’uuliyadda.

Raggan ayaa la sheegay isku dayeen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan dhinaca xerada Mariino, ciidamada ammaanka ayaa ka hortegay weerarkaasi, ayay yiraahdeen Booliisku.

Waxaa la arkayaa uuro iyo qiiq waxaana la sheegayaa inay dhaceen khasaare nafeed. Lama oga sida ay kooxda weerarka gaysatey ay goobtaa ku gaartey tiradoodu intii ay doontaba halla ekaatee.

Hadalsame Media