Xog middii hore ka duwan oo kasoo baxaysa war sheegayey in la weeraray Xerada Xalane

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2022 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow ay koox hubeysani weerar toos ah ku qaadeen qaybo ka mid ah Xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane oo ah Xarunta AMISOM iyo halka uu ku yaallo Garoonka Aadan Cadde.

Warbaahinta qaar ayaa faafisay in raggan hubeysan ay garoonka kasoo weerareen dhanka Dugsiga Tababarka Booliiska ee Iskuul Buluusiya.

Xog kale ayaa sheegaysa in ragga hubeysan ay weerarka kasoo qaadeen dhanka Marina Gate, iyaga oo qarax la beegsaday Bar wax lagu baaro oo ku yaalla halkaas, taasoo laga soo galo garoonka laguna baaro walxaha qarxa islamarkaana ay joogaan eeyaha wax uriya ee aadka u tababaran.

Ha yeeshee, dad ku jira gudaha Xalane ayaa sheegaya xog kale oo taa ka duwan. Waxay dadkaasi ay Hadalsame u sheegeen in aanu dhicin weerar toos ah, balse ay wax kusoo dhaceen aaggaasi islamarkaana ay howluhu si caadi ah iminka u soconayaan.

”Waxaan ku jirnaa kulan Zoom ah, haddii ay wax wayn ahaan lahaayeen waa nalasoo wargelin lahaa howshana waa la hakin lahaa.” ayuu yiri qof ku sugan gudaha xerada.

Wararka ugu dambeeya ee ka imanaya aaga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxay sheegayaan in rasaas laga maqlayo mid kamid ah baraha laga ilaaliyo Garoonka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan AMISOM, iyadoo ay Taliska Booliiska Soomaaliya oo arrintan ka hadlay ay sheegeen in weerarkaa ay caabbiyeen Ciidamada Ammaanku.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay wax kusoo dhex dhacaan Xerada Xalane, iyadoo bayaaqadii Nofeembar 2019-kii halkaa lagu diley Almaas Elman oo ahayd gayfane nabadeed la sheegay inay xabbad habow ihi ku dhacday, waloow aan abid wax baaris ah oo moowduuci ah lagu samaynin kiiskaasi iyo kuwa kale oo kumannaan ah.

Hadalsame Media