”Xitaa ma lihin tiknolojiyad aan kula tacaalno!” – Maraykanka oo qirtay hub uusan u babac-dhigi karin oo uu Ruushku haysto (Daawo)

0

(Washington, DC) 22 Maarso 2022 – Maraykanka ayaa qiray inaan la qaban karin gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee uu Ruushku dhowaan ku ridey dalka Ukraine, taasoo ah markii ugu horreeysey ee dagaal furan lagu adeegsado taariikhda.

Gantaalka cir ka cir iyo cir ka dhulka ah ee Kinzhal oo la micne ah ”Seef” ayay Maraykanku sheegeen inuu wato hal tayo oo istaraatiji ah, taasoo ah in ay adag tahay in la qabto iyo xitaa in la arko, maadaama uu ku socdo xawaare guuxiisa ka dheereeya ugu yaraan 5 jeer.

Thomas Karako oo ka tirsan Machadka Daraasaynta Istaraatijiyadda iyo Arrimaha Caalamka ee dalkaasi ayaa CNN u qirtay in gantaalkani marka laga yimaado xawaarihiisa uu misna leeyahay hab-dhaqaaq uu uga duwan yahay gantaalaha soo jireenka ahaa ee la yaqaanney.

Tusaale, wuxuu bedeli karaa bartilmaameedkii uu ku socdey isagoo weli hawada ku jira, wuxuu sidoo kale ku socon karaa joog aad u sarreeya ama aad u hooseeya si uu ugu gooyo raadaarrada oo sidoo kale dhib ku qabaya xawaarihiisa aadka u badan.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa dareensan in Ruushku aanu haatan farsamo ahaan u baahnayn inuu gantaalkan ku adeegsado dalka Ukraine balse ujeedku yahay falax-gooddin ka dhan ah Maraykanka.

”Ma fahmin waxa uu Ruushku ugu baahday inuu gantaal guuxiisa ka dheereeya kasoo gano meel u dhow Ukraine ee uu deeto dhisme ku dhufto, haddii aanay ahayn muujinta cududdiisa ciidan.” ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka ee Lloyd Austin u sheegay CBS News.

Maraykanka ayaan lahayn tiknolojiyad uu kula tacaalo qabashada gantaalkan oo ku cusub dunida, iyadoo marka laga reebo Ruushanka ay dalalka kale haatan ku jiraan marxaladdii tijaabada iyo horumarinta.

”Dhibka taagani wuxuu yahay in aynaan haatan lahayn tiknolojiyad lagu qabto gantaalkan.” ayuu CNN u sharraxay Kornayl Cedric Leighton oo ah howlgab horay uga tirsanaa Sirdoonka Ciidanka Cirka Maraykanka ee USAF oo qiray inay Maraykanku aad ugu dambeeyaan dhinacan.

 

Hadalsame Media