YAA XADAY ROOBKII?!! Maxaa ka jira in roobka la beero ama la leexsado? (Qoraal faahfaahsan)

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2022 – Hadalka Dr. Qaasin ee muranka dhaliyay dadka qaarkoodna baraarug xumo darteed ay ku qosleen waa arrin sugan balse Diktoorku xoogaa xawaajibiyo basbaas buu dulmariyay si sheekaqurxin ah.

Yeelkeed’e wax walba oo uu sheegay waa run. In daruuraha galdaalo kiimikaysan lagu gano ka dib na ay roob mahiigaan ah isku rogaan waa arrin dunida in muddo ah laga adeegsanayay. Arrintaas waxaa lo yaqaan Cloud Seeding. Garo oo daruur la ma abuuro ee daruuraha ayaa la uumiyaa. Dawladaha Imaaraadka, Shiinaha iyo Hindiya ayaa ugu badan kuwa adeegsada.

Waxaa ayada jirta in cloud seeding-ka hub ahaan loo adeegsado oo daruuro jahadii laga leexiyo arrintaanna Shiinaha ayaa ku eedaysan in uu Hindiya ku sameeyay.

Tusaale ahaan Shiinuhu waxa ay gantaalo xambaarsan alaado kiimiko ah (silver iodide) ku dhufteen daruuro hoganayay hawada Beijing sannadkii 2008, maalmihii ay magaaladaasi qabanaysay ciyaaraha olombikada adduunka. Sidaa oo kale Ruushka ayaa maalin ay qaranimadooda xusayeen kala didiyay daruuro dul hoganayay Moosko oo in ay roob noqdaan looga cabsi qabay.

Haddaba waxaa dadku iswaydiin karaa HADDIIBA ROOB LA SAMAYN KARO MAXAA SANNAD WALBA ABAARO LAGU HOOBTAY ADDUUNKA UGA DHACAAN? xataa dalalka horumaray sida Australia iyo Maraykanka sannad walba abaaro duunyo iyo beero badan halaaga ayaa ka dhaca ee maxay roob u da’san la’yihiin?

Sidaa oo kale HADDIIBA ROOBKA LAGA HORTAGI KARO MAXAA SANNAD WALBA DAADAD IYO DUUFAANNO U QAADAAN DAWLADAHA WAA WAYN OO HODANKA AH? Maxay daruuraha kala didiyaan inta aysan di’in?

Jawaabuhu waa sahlan yihiin. Marka koowaad cilmigaani waa bilow weli socod barad ah (haa weli socodbarad inkasta oo ilaa 1950yadii la yaqaannay).

Tan labaad waa, waxyaabaha la adeegsadaa waa kiimikooyin halis ah oo deegaanka iyo noloshaba halis gelin kara sidaas daraaddeed si baahsan (large scale) loo ma adeegsan karo. Tan saddexaadi waa, hawshu ma ahan wax sahlan waa shaqo aad u miliqsan oo dhib badan aad na qaali u ah. Arrimahaasi oo dhan iyo kuwo kale ayaa hortaagan in cilmigaan horumar badan laga sameeyo.

Qodobka diktoorku yiri Soomaaliya roobkeeda waa la leexsadaa, xoogaa waa ka badbadis, waa Soomaaliya ma ahan dal ay daruuro badani dul hogtaan roobab badanna ka da’aan, sidaas daraaddeedna aan lahayn daruuro laga leexsado, waa se laga yaabaa in daruuro Hindiya ama Shiinaha dulmarayay oo Soomaaliya imaan lahaa in dawladahaasi roob macmal ah ka sameeyaan oo daruurahaasi aysan Soomaalida soo gaarin.

Tan kale waa midda aan horay u sheegnay oo ah in daruuro iyo roob saddex bilood di’i lahaa majarahoodi laga duwo ma ahan hawl fudud oo dawlad iyo hay’ad midkood samayn karaan. Waana in aan xusuusta ku haynno marka aan maqalmo roob macmal ah baa la abuuray kow waxaa loo baahan yahay daruuro farabadan, labo waxa roobka macmalka ah ee la sameeyay waa hogol yar oo aan sidaas u ridnayn.

Waxaa Diyaariyey: Cali M. Diini

Hadalsame Media