DAAWO: ”Cid na gaaraysaa ma jirto!” – Ruushka oo sheegay inuu samaystay hub NAADIR ku ah dunida + Sawirro

0

(Moscow) 25 Dis 2019 – Ruushka ayaa sheegay inuu lacag yar ku samaysanayo hub wax ku ool ah oo aad u horumarsan, isla markaana ay adag tahay in ay la jaan qaadaan dalalka la xafiiltama dalkaasi, sida uu qabo MW Vladimir Putin, oo ka hadlayay munaasabad lagu gamayay gantaal guuxiisa ka dheereeya.

Putin oo la kulmay Guddiga Maamul ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay, in Soofiyeetkii burburay uu had iyo goor Maraykanka cayrsan jirey, haddii ay noqon lahayd dhisidda bamkii atoomigga ahaa ee ugu horreeyay, dayuuradaha gaysta duqaymaha istaraatijiga ah iyo gantaalkii ugu horreeyay ee baalistik ah.

”Yeelkeede, maanta waxaannu ku jirnaa xaalad naadir ah oo cusub oo ay iyagu isku dayayaan inay nasoo qabtaan,” ayuu yiri Putin.

MW Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in sida uu yiri “aanu jirin hal dal oo maanta haysta hub oo guuxiisa ka dheereeya, iskaba daa midka Qaaradaha isaga tillaabee.”

Balse wuxuu sheegay inuu Ruushku haysto gantaalka cir ka cir iyo cir ka dhulka ah ee Kinzhal, halka Avangard oo isna ah gantaal guuxiisa ka dheereeya haatan lagu qalabaynayo ciidamada dalkaasi.

Muuqaalkani waa tijaabada gantaalka dhul ka cirka ah ee guuxiisa ka dheereeya ee Zircon, kaasoo la sheegay in aanu raadaarku qaban karin, isaga oo ay ku gadaaman tahay wax u eg daruur ka samaysan plasma, wuxuuna 9 jeer ka dheereeyaa guuxiisa, isagoo saacaddii jaraya 10,000 oo km, waxna ka duqayn kara masaafo gaaraysa 1,000 km.

Hadalsame Media