Qoraal kooban oo muujinaya sababta KARTI XUMADA ugu wacan siyaasiga Soomaaliyeed!

0

(Hadalsame) 27 Dis 2019 – Ilaahay ha u naxariistee Maxamuud Axmed Cali oo ahaa Aabbihii tacliinta casriga ahi wuxu noqday Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddii Waxbarashada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Maxamuud intii u joogay xafiiskaas wuxu dedaal badan geliyay kuna guulaystay dejinta iyo diyaarinta manhajkii waxbarashada dalka, manhajkaas oo lagaga maarmay buugaagtii Ingiriiska iyo Talyaaniga laga keeni jiray.

Maxamuud isaga oo xilkaas haya ayaa dad indheergaradka bulshada ka mid ahi ku guubaabiyeen inu isu sharaxo xubin Baarlamaanka ka mid ah, si uu u noqdo wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo ah xafiiska talada ugu sarraysa ee waxbarashada qaranka laga agaasimo.

Soo jeedintaas Maxamuud wuu aqbalay, hayeeshee deegaanku ka soo jeeday ee Burco laga ma dooran, oo waxay ka door bideen oo ay ka raaceen nin jaadle ka ahaa deegaankaas oo aan siyaasad iyo tacliin toona waxba ka aqoon.

”Soomaalidu sidii ay waagaas dawladnimadda badawga uga ahaayeen ayaa ay caawana uga yihiin”

Konton sanadood ka dib, weli dawladnimadda waxa loo diraa qofaf aan qabin kaskii iyo karaankii geeddigelin lahaa, waana sababta soomaalidu meel ay joogaanba ugu guuldarraysteen inay dhistaan dawlad hagaagsan oo ay kaga maarmaan ku tiirsanaanta qabiilka, saboolnimada iyo sharaf darrada.

Hanka siyaasiga Soomaaliyeed ayaa inta badan ku fooggan kursiga uun, isagoo aan lahayn hiraal iyo han fog oo intaa dhaafsiisan, wuxuuna inta badan ka faa’iidaystaa shacab uu wacyigoodii qabyaalad ku masaxay oo kaliya eeganaya inuu hebel kursi hebel helay oo qura (Face value), taasoo aanay iyaga wax dan ihi haba yaraatee ugu jirin, iyadoo la doorto midba kan uu ka liito balse ka af miishaarsan yahay.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-Ruush & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media