Xeerka Aqoonsiga Somaliland oo la hor geeyey Aqalka Wakiillada Maraykanka & Xildhibaanka geeyey

0

(Washington, DC) 21 Maarso 2022 – Waxaa Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka la hor geeyey Xeerka Aqoonsiga Somaliland.

Xeerkan oo haatan maraya heer mooshin ayay tahay inuu ka gudbo dhowr jaran jaro oo dhib oo ay ugu horreeyso in horta uu Guddi Hoosaadka Aqalka Hoose u garto in dood la geliyo oo la dhegeysto.

Haddii uu ka gudbo Aqalka Wakiillada ayuu misna u gudbayaa Aqalka Sare ama Senet-ka oo haddii uu dhaafo misna ay tahay inuu saxiixo MW Maraykanku.

Waxaa xeerkan oo Jimcihii la xareeyey riixaya Scott Gordon Perry oo ah Jamhuuri laga soo doorto Degmada 10-aad ee Gobolka Pennsylvania.

Hadalsame Media