Madax Ruush ah oo qiray in taliye muhim ah looga diley dagaalka Mariupol

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2022 – Taliye Xigeenkii Raxanta Ciidamada Ruushka ee Badda Madow, Kabtan 1aad Andrey Paliy, ayaa lagu diley dagaal ka dhacay meel u dhow magaalada Mariupol ee dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiil sarsare oo Ruush ah Axaddii.

Yekaterina Altabaeva, oo ah Senator laga soo doorto magaalada Crimea ku taal ee Sevastopol, oo ah deked ku taal Badda Madow, ayaa markii ugu horreysay warkaas tebisay.

“Sarkaalkan sare ayaa lagu diley dagaal lagu doonayay in “Mariupol looga xoreeyo Nazi-ga,” ayay tiri Xildhibaanaddu iyadoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah.

Warkan waxaa isna xaqiijiyay Barasaabka Sevastopol, Mikhail Razvozhaev, gelinkii dambe ee maalintii shalay.

Labada mas’uul ayaa sheegay inay si shakhsi ah u garanayeen sarkaalka, iyagoo tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtiisa.

Yeelkeede, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka aamusan oo aan weli xaqiijin ama beeninin warkan.

Saxaafadda Galbeedka ayaa horay u qortay in ilaa 5 jeneraal iyo 7,000 oo askari ay ilaa haatan dagaalka uga dhinteen Ruushka.

Hadalsame Media