Turkiga oo gawaari gaashaaman oo uu sameeyey ku wareejiyey dal ka tirsan NATO + Sawirro

0

(Ankara) 21 Maarso 2022 – Ilaa 40 baabuurta gaashaaman ee taatikada ah oo lagu magacaabo Gidran oo uu soo saaray dalka Turkiga ayaa shalay la gaarsiiyey ciidamada Hungry.

Gidran waa magaca loo bixiyay shirkadda Turkiga ah ee Nurol Makina oo samaysa gawaarida gaashaaman ee miinada u gegsada (MRAP).

Shirkadda sameysa gawaaridan gaashaaman ee Turkiga ayaa warbixin gaar ah oo ay Axaddii soo saartay ku sheegtay in Nurol Makina Hungary, oo ah laan dhowaan laga aasaasay dalkaasi, ay heshiis iskaashi oo ku saabsan soo saarista baabuurta gaashaaman la gashay dalka Hungary.

Nurol Makina ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqatay suuqa Yurub iyadoo xaruntii ugu horreeysey ka furtay dalka Hungary 17-kii bishan Maarso.

100 kale oo gawaaridan ah oo la siinayo Ciidanka Hungary ayaa lagu soo saari doonaa isla Hungary oo guud ahaan heli doonta 300 oo xabbo oo ah gaadiidkan Gidran (Ejder Yalçın MRAP 4×4) oo loo sameeyo ilaa 10 nooc oo kala gedisan.

Hadalsame Media