”Inta gaariga xareeyey ayaan is lahaa guriga gal!” – Arrin halis ah oo beryahan kusoo korortay magaalada Muqdisho

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2022 – Waxaa magaalada Muqdisho beryahan dambe faraha kasii baxaya amniga guud iyadoo ay kusoo badanayaan burcad dhiirran oo dadka ku dhacaysa jidadka dhexdooda iyo xitaa xaafadaha dadku deggan yihiin albaabkooda.

Waxaa dadkii ugu dambeeyey ee xalay ay burcad baaranaysey dishey ugu dambeeyey Allaha ha u naxariisto Inj. Cabdinuur Cabdullahi Warsame (Cabdinuur Black) oo ay ay tuugo dhacaysey ku dishey magaaladda Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Carwo Idko, waxaana sida la xaqiijiyey uu dilkiisu sababsadey telefoon gacmeed nooca iPhone-ka ah.

Burcadda ayaa la sheegay in ay marxuumka oo ka mid ahaa dhalllinyarada wax ku baratay Muqdisho ee misna ka shaqaynaysey ugu soo galeen gudaha mooto Bajaaj ahayd oo uu u saarnaa gurigiisa, balse tiiyoo uu ka codsaday inay wixii ay doonayaan qaataan misna waa dileen (AUN).

Arrintan ayaa haatan noqotay mid soo noqnoqota, iyadoo aanu jirin qorshe ammaan iyo nidaam cadaaladeed hufan oo dhacdooyinkan la xaala oo ka imanaya dhanka hay’aadka ku magacaaban cadaalad xoojinta sida booliiska iyo cadaalad oogista sida Garsoorka.

Abshir Cabdi oo ka mid ah dhallinyarada Muqdisho ku dhaqan ayaa Hadalsame Media u sheegay inuu dirqi uga baxsaday in sidaas oo kale loo dilo isagoo weliba ku sugan gurigiisa hortiisa.

”Gurigayga hortiisa anigoo gaarigayga inta xaraystay albaabka soo xir is leh ayaa laba toorreeyo wata iridda isku qabannay ujeedkooda waan garan waayey markii hore,” ayuu ku bilaabay Abshir Cabdi.

”Markii dambe waan arkay. Mid ayaan iska qabtay kii kalaa xoogaa asagaan iskaga aaddinayey toorreeyo ay wateen 10:00 fiidnim ayay ahayd kaddib dhulkan iskula dhacnay talefoonkii wuu faniinay wayna qateen kaddib 2 dhagax ayaan qaatay wayna ordeen,” ayuu daba dhigay.

”Wallaahi cabbaar ayaan bannaanka fadhiyey say ii sigeen ayaan la yaabay maba moodayn talefoon keliya inay rabeen yaab ayaa Xamar yaalola hubna nalooma ogola Allah hanna badbaadiyo.” ayuu ku cataabay isagoo u warramaya Hadalsame Media.

Arrimahan ayaa u baahan in ay dadwaynuhu ka digtoonaadaan, maadaama uu qofku si sahlan naftiisa ku waayi karo, waxaa kale oo asaasi ah in saldhigyada degmooyinka iyo booliiska dhexe ay xil iska saaraan sugitaanka ammaanka oo ay marar badan iyaga laftoodu sigaan halkii ay ka sugi lahaayeen.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media