”Ciidamada Maraykanku waxay ku ammaan badan yihiin Somalia marka loo eego Kenya!” – Jeneraal Stephen Townsend

0

(Hadalsame) 21 Maarso 2022 – Jeneraal Stephen Townsend, oo ah Taliyaha ugu sarreeya Ciidamada Maraykanka ee Afrika, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay ku ammaan badan yihiin marka ay joogaan Somalia, marka loo eego kuwa Kenya ka howlgala, halkaasoo dhawaan la geeyey kaddib markii ay ka baxeen Somalia.

Townsend, oo ka soo hor muuqday Guddiga Adeegga Hubka ee Senetka Maraykanka, ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidamada Maraykanka ee Somalia in bixinta uu Madaxweynihii hore ee Donald Trump sameeyey ay ku adkeynayo inay ku guulaystaan la dagaallanka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Jeneraalkan oo tan iyo 2019-kii u talinayey AFRICOM, ayaa sheegay in “qiimayntiisu ay u sheegayso in ahayn mid wax ku ool ah ahayn sida aan joogtada ahayn ee ay haatan wax u wadaan islamarkaana ay ciidankooda gelinayso halis ka badan markii ay gudaha Somalia joogeen.

Ku dhowaad ​​700 oo askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa laga saaray Somalia sanadkii hore ee 2021-kii waxaana dib loogu celiyay Kenya iyo Jabuuti. Ciidamada ayaa loo xilsaaray inay tababaraan ciidamada gaarka ah oo inta badan loo yaqaan magaca Danab iyagoo sidoo kale fulin jirey duqaymo dhanka cirka ah, waxaana uu Maraykanku haatan doonayaa inuu soo celiyo ciidamadaasi.

Hadalsame Media