“Halla diido siyaasadda NATO!” – Shiinaha oo ka digey “cawaaqib xumada” ka dhalan karta in cudud wayn gees loo riixo

0

(Beijing) 20 Maarso 2022 – Xigeenka Wasiir Dibeedka Shiinaha, Le Yucheng, ayaa ka digey in nidaamka carra-edegaynta loo adeegsado “hub ahaan” iyo in la diido siyaasadda ay waddo kooxda NATO.

Warka Yucheng ayaa imanaya maalin uun kaddib markii uu Joe Biden uu dhiggiisa Shiinaha ee Xi Jinping uga digey “cawaaqibka ka dhalan kara” haddii ay Beijing taageerto howlgalka ciidan ee uu Ruushku ka wado  Ukraine.

Diblomaasigan oo ka hadlayey Madasha Ammaanka iyo Istaraatijiyadda ee Beijing, wuxuu Moscow ku raacay in is ballaarin bari ujeedka ah ee NATO iyo tixgelin la’aanta walaaca ammaan ee dalkaasi Ruushku, ay dhabbaha u xaareen xasaradda taagan.

“Halkii arrintan la xallin lahaa dab baa lasii shiday waxaana laga daawanayaa masaafo ammaan ah iyadoo bangaariyada, shirkadaha hubka iyo nimanka saliidda ka xoolaystay ay balaayiin ka samaynayaan dhiigga dal yar oo ay raysiga dhaawacyadiisu sanado badan qaadan doonto,” ayuu yiri isagoo ku dhega hadlaya Maraykanka.

“Raadinta NATO ee “ammaan qadcan ah” waxay horseedaysaa “ammaan darri qadcan ah, ayuu Le raaciyey.

“Cawaaqibka in ka dhalan kara in dal, weliba cudud wayn ah, gees loo riixo waa mid aan la saadaalin karin.” Ayuu ku dooday.

Hadalsame Media