ANNA WAYKAN: Kuuriyada Woqooyi oo gantaalo weli la garan la’yahay ku gantay Badda Jaallaha (K. Kuuriya oo heegan gashay)

0

(Pyongyang) 20 Maarso 2022 – Kuuriyada Woqooyi ayaa u muuqatay inay 4 xabo oo gantaalo ah ku riddey Badda Jaallaha ah subaxnimadii Axaddan, saraakiisha millateriga ee Seoul ayaa sidaas sheegay.

“Waxaa jiray ridista gantaalo la rumeysan yahay inay ka dhaceen gantaal ridayaasha badan ee Kuuriyada Waqooyi saaka,” ayuu sarkaal ka tirsan millateriga Kuuriyada Koonfureed u sheegay Wakaaladda Wararka ee Yonhap.

“Waxaan ilaalinayna qaabka u diyaarsanaanta difaaca iyo heegankeenna, anagoo si dhow ula soconna isbedbedelka arrintan la xiriirta,” ayuu raaciyay.

Afar gantaalo ayaa saacad gudaheed laga soo riday meel aan la cayimin oo ku taal Gobolka Pyongan ee Kuuriyada Waqooyi, iyadoo gantaalahaasi ay ku dhaceen Badda Jaallaha ah (Yeloow Sea), sida ay wararku sheegayaan.

Golaha Amniga Qaranka Kuuriyada Koonfureed ayaa shilkan kaddib yeeshay kulan deg deg ah oo ku saabsan dhacdadan soo korortay. Hubka saxda ah ee ay Waqooyigu tijaabadan u isticmaaleen lama soo hadal qaadin, laakiin waxa ay hore u tijaabisay gantaallo tuurayaal awood u leh inay ridaan gantaalaha riddada gaaban, oo ay riddey dhowr jeer sannadihii u dambeeyay.

Pyongyang ayaa la rumeysan yahay in sanadkan ay sameysay 9 tijaabo oo waawayn, kuwaasoo rikoodh jebis ah, maadaama aanay intaas oo tijaabo horay sanad qura abid u samaynin.