SIR CULUS: Ruushka oo helay xog qarsoodi ah oo ku saabsan weerar lala maaggan yahay xarumaha diblomaasiyadeed ee Maraykanka + Ujeedka & cidda fulinaysa

0

(Kyiv) 20 Maarso 2022 – Millateriga Ruushka ayaa ogaadey in kooxaha xag-jirka ah ee midigta fog ee Ukraine ay qorshaynayaan weerar ay ku qaadaan xarumaha diblomaasiyadeed ee uu Maraykanku ku leeyahay Ukraine gaar ahaan magaalada Lviv.

Warkan oo uu “kashifay” Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Jeneraal Igor Konashenkov, ayaa intaa raacinaya in Ruushku ay warkan ka heleem sarkaal kasoo goostay Nabad Sugidda Ukraine (SBU), oo iskii iskugu dhiibey Ruushka, sida uu sheegayo  Konashenkov.

Saraalkan ayuu sheegay inuu millateriga Ruushka u gudbiyey liiska wakiillo ka tirsan Nabad Sugidda SBU iyo ashkhaas kale oo ka shaqaynaya inay kooxaha cunsuriyiinta ah ku caawiyaan weerarka ka dhanka ah xarumahan diblomaasiyadeed ee galbeedka Ukraine.

Sarkaalkan reer Ukraine oo sidoo kale xusay in la weerari karo xarumo ay leeyihiin dalal kale oo Galbeed ah ayaa Kiev ku eedeeyey inay ogtahay balse aysan waxba ka qaban.

Wuxuu ujeedka ugu wayn ku micneeyey in arrintan lagu eedeeyo Moscow si NATO looga helo kaalmo ciidan ama ugu yaraan inay xirto hawada Ukraine, taasoo uu horay uga digey Putin in “aag duullimaadka ka caaggani” uu keeni karo dagaal furan oo ay NATO la galaan.

Maraykanka ayaanay haatan halkaa ka joogin wax diblomaasiyiin ah.

Hadalsame Media