”Waa agab aynaan horay u haysan!” – Shiinaha oo qalab ciidan ku wareejiyey DF Somalia & noocyada ay yihiin (Daawo)

0

(Muqdisho) 18 Maarso 2022 – Dalka Shiinaha ayaa DF Somalia ku wareejiyey gaadiid iyo agab ciidan oo uu ugu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Somalia.

Gaadiidkan oo iskugu jira kuwa xamuulka ah ee qaada ciidamada iyo sahaydooda iyo sidoo kale kuwa gurmadka caafimaadka ayaa waxaa Dekedda Muqdisho Shiinaha kaga guddoomey Wasiirka Gaashaandhigga DF Somalia & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

”Waxaan maanta wareegaynaa agab ciidan waxaana ay arrintani ka tarjumaysaa xiriirka qotada dheer ee naga dhexeeya annaga iyo Shiinaha oo haatan dib usoo noqday.” ayuu yiri Wasiirka Gaash Cabdulqaadir M. Nuur Jaamac oo gaadiidka qaar ku tilmaamay kuwo aanay horay u haysanin.

Taliyaha Ciidanka XDS Md Odawaa Raage ayaa sheegay in agabkan ciidan oo yimid xilligii loogu tala galay ay gacan ka gaysan doonaan la dagaallanka argagixisada, sida uu yiri.

Danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa isna ballanqaaday in dalkiisu uu gacan wayn ka gaysan doono dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia.

Gaadiidkan ayaa waxaa ka mid ah kuwa Shiine-sameega ah ee xamuulka iyo agabka ciidanka daabula ee Shacman iyo sidoo kale noocyada fudud ee loo yaqaan Humvee-ga oo uu Maraykanku sameeyo oo ah gaari otomaatig ah oo doorar badan oo ay soo saarto AM General.

Waxaa sidoo kale ka mid ah agab caafimaad iyo qalabka lagu baaro miinooyinka oo casri ah. Guud ahaan gaadiidku waa 35 gaari, halka miino baarku 20 xabbo ka kooban yahay.

Somalia ayaa u baahan dib u dhiska ciidan leh xirfad, tababar iyo dishibiliin, balse ilaa haatan ma muuqdo nidaam hufan oo leh karti iyo daacadnimo ciidamada noocaas ah lagu diyaariyo iyadoo aan dan gaar ah lagu cayrsanaynin.

Hadalsame Media