”Waa la fahmi waayey!” – Dad qoonsaday hadal ay Ilhaan Cumar ka tiri kulankii wefdiga Somaliland

0

(Washington, DC) 18 Maarso 2022 – Xildhibaannada Soomaaliyeed ee ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka ee Ilhaan Cumar ayaa si ay dadka qaar jees-jees u qaateen uga hadashay kulan ay Guddiga Xiririka Caalamiga ah ee Koongaraysku la qaateen madax ka socotey Somaliland oo haatan ku sugan Maraykanka.

Ilhaan Cumar ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay xildhibaannada Maraykanka ay ku adkaatay in ay fahmaan lahjadda (Ingiriisiga ah) ee ay ku hadlayeen madaxda Somaliland ee kulanka la qaatay.

”Wejiga kaasoo haraya (sida aad u ekaanayso) marka ay saaxiibbadaa fahmi kari waayaan lahjadda wefdi shisheeye ah oo ay u dhaqmaan sidii inuu maqalku ku xun yahay,” ayay ku bilowday qoraalka.

”Adna waxa aad isku dayayso inaad samayso ay noqdaan inaan hadalku ku dhaafin.” ayay raacisay.

Si kastaba, warkan oo kaftan caadiya lagu tilmaami karo misna waxaa uu soo jiitey carada dad badan oo nasiib darro iyaguna aflagaaddo u gaystey xildhibaanadda.

Hadalsame Media