MW Muuse Biixi oo aan meesha ka wada saarin inay dib ula midoobi karaan Somalia inteeda kale

0

(Hargaysa) 18 Maarso 2022 – MW Maamulka Somaliland ee Muuse Biixi ayaan meesha ka wada saarin inay markale dhici karto midnimo uu maamulkiisu ogol yahay oo lala galo Somalia inteeda oo ay haatan weli ugu yaraan sharciyan hoos tagaan.

Biixi oo u warrameyey Idaacadda Dadwaynaha ee NPR ee magaalada Washington DC ayaa sheegay in waqti xaadirkan aanay dhici karin inay dib ula midoobaan Somalia inteeda kale, balse ay taasi dhici karto 100 sano dabadeed oo ay wax isbedeli karaan.

”Waxaan qabaa inaynaan la midoobayn Somalia waqti dhow, laga yaabee in 100 sano kaddib ay wax isbedelaan, balse hadda may!” ayuu yiri Muuse Biixi.

Warka Muuse Biixi ayaa fasiraado kala duwan la saari karaa, balse waxaa jirta in madaxda Somaliland ay shacabka istaajiyeen boos aanay u sheegi karin midnimo taasoo ay dad badani ku tilmaameen khalad siyaasi ah oo hirgalay kaddib geeridii Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaale (AUN) oo isagu taagnaa boos dhexe oo laga gorgortami karo haddii aqoonsigu adkaado ama ay Somalia inteeda kale istaagto boos macquul ah.

Dadwayne badan oo warkan faalleeyey ayay durba qaar warka Biixi ku tilmaameen in Maraykanku uu si toos u diidey aqoonsi toos ah, waloow lasoo hadal qaaday in lala macaamilo Somaliland iyadoo weli ka tirsan Somalia.

Hadalsame Media