Ruushka oo dib u bilaabay dhoofinta dheemanka rafka ah (Dal 90% jara dheemanta adduunka oo ka dalbaday)

0

(Moscow) 17 Maarso 2022 – Alrosa, oo ah shirkad Ruush ah oo ka shaqeysa qodista macdanta dheemanka oo ay qayb ahaan dowladdu leedahay, ayaa bilowday inay dheemanka rafka ah u rarto Hindiya kaddib markii uu hakad yari galay, sida uu sheegay Economic Times.

Sida laga soo xigtey wargayska, dhoofiyayaashu waxay isticmaalayaan bangiyada Jarmalka si ay wax ugu dirtaan lacagta Euro-da taasoo ay u sabab tahay cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka kaddib weerarkii Ukraine.

“Dalabka dheemantan waxaa la sameeyey horraantii Maarso, sida ku cad jadwalka aragtida Alrosa. Haddana way imanayaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Dhoofinta walxaha la isku qurxiyo ee Gem & Jewelry India (GJEPC), Colin Shah, oo uu xiganayo Economic Times.

Shah wuxuu intaas ku daray in iyadoo heshiisyadu ay hadda yihiin kuwo lagu sameeyo euro iyo lacago kale, mas’uuliyiinta Hindiya waxay ka shaqeynayaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen habka lacag-bixinta labada dal ee Ruble-Rubee dhanka iibka laga bilaabo Abriil si xal waqti dheer ah loo helo.

Hindiya waa hormuudka adduunka ugu horreeya dhanka goynta dheemanka qallafsan ama rafka ah, maadaama 90% wershadaha wax-soo-saarka dheemanka ee adduunku ay ku yaallaan waddankaaasi.

Wakiilka ganacsiga Ruushka ee Hindiya, Alexander Rybas, ayaa horya ugu sheegay Wakaaladda TASS in dhammaadkii Sebtembear 2021, dheeman raf ah oo ku kacaya qiyaastii $700 milyan oo doollar ay u dhoofiyeen Hindiya.

Hadalsame Media