”Cashar cadaaladeed ka baran mayno tacaddiye caalami ah!” – Shiinaha oo furka ku xooray NATO (Dhib ay u gaysteen oo uu gocday)

0

(Brusells) 17 Maarso 2022 – Beijing ayaa ku gacan seyrtay baaqyada NATO ee ahaa inaysan sinaba u taageerin Ruushka Khamiistan, iyadoo xasuusinaysa gaashaanbuurtan inay ciidamadoodu ahaayeen kuwii duqeeyay Safaaradda Shiinaha ee Belgrade intii lagu jiray ololihii duqaynta hawada ee Yugoslavia 1999-kii.

“Shacabka Shiinuhu waxay si buuxda u dareemayaan xanuunka iyo silica dalalka kale, sababtoo ah weligeen ma illaawi doonno kii weeraray safaaradeenna Jamhuuriyaddii Federaalka ee Yugoslavia. Cashar ku saabsan caddaaladna ugama baahninn ku xadgudbaha sharciga caalamiga ah, ” ayuu ku qayliyey afhayeen u hadlay ergada diblomaasiyadeed ee Beijing ee Midowga Yurub, iyagoo u jawaabatey war kasoo yeeray Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg.

Isagoo NATO ku tilmaamay “haraadigii Dagaalkii Qaboobaa,” diblamaasigu wuxuu soo jeediyay ururkan inuu u baahan yahay inuu sameeyo xoogaa is-milicsi si uu u eego haddii ay gacan ka geysaneyaan nabadda iyo xasilloonida adduunka, marka ay timaado ballaarintooda iyo howlgallada militeri ee ay wadaan.

Stoltenberg ayaa beegsaday Shiinaha Talaadadii kahor shirka degdeg ah ee wasiirrada gaashaandhigga NATO. Waxa uu soo jeediyay in Beijing ay “ku biirto aduunka intiisa kale si ay si adag ugu cambaareyso duullaanka arxan darada ah ee Ruushka” oo uu sheegay in nooc kasta oo taageero ah ay Moscow hadda ay ka caawin doonto “inay sii waddo dagaalkakaas oo sababay dhimasho, silac iyo burbur aad u baaxad wayn.

“Shiinaha oo ah xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ku waajib inay si dhab ah u taageeraan oo ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah,” ayuu xilligaa raaciyey.

Hadalsame Media