Maxay Poland Muslimiinta ku maagtay?! (Arag dalalka dhibka ugu badan u gaystey dalkan)

0

(Hadalsame) 17 Maarso 2022 – Qaybtii labaad waxa aan ku sheegnay horumarkii waynaa iyo horukicii Poland samaysay ka dib midowgi ay Lithuania la gashay kaas oo dhacay 1569. Yeelkeed’e arrintaasi ma sii raagin. Aqri qaybtii 2-aad…

Qarnigii 17aad iyo kii 18aad waxaa dardar la yaab leh la soo baxay Ruushka iyo Prussia (qayb Jarmalka ka mid ah) kuwaas oo cadaadis xoog leh iyo isfidinka ku ekeeyay dhulkii dawladdii Polish-Lithuanian Commonwealth. Dawladahaas (Ruushka iyo Prussia) iyo dawladdii Austria-Hungary waxa ay markii ugu horraysay Poland qaybsadeen sannadkii 1772 kaas oo Poland ku wayday dhul aad u ballaaran.

Haddana mar labaad bay 1792 quwadahaasi Poland saanyadeen. Mar saddexaad bay haddana saamigii ugu dambeeyay qaybsadeen sannadkii 1795 sidaas bau Poland khariidadda adduunka uga tirtirantay uga maqnayd ilaa dagaalkii 1aad ee dunida ka dhammaaday.

Saddexdaas quwadood ee Poland saanyaday intaas kuma aysan harin ee sannadkii 1797 waxa ay galeen heshiis qaesoodi ahaa kaas oo nuxurkiisu ahaa in ay si wadajir ah u tirtiraan wax walba oo qowmiyadda Polishka xusuusin kara qarnimadadoodi sida afka, taariikhda iyo dhaqanka.

Tusaale ahaan, Imbaraaddoorkii Ruushka Nicholas-kii koowaad oo heshiis dabajooga ayaa sannadkii 1831 sidan yiri: “I don’t know if there ever will be a Poland, what I am sure of is that there will be no Poles.”

Markii Poland la qaybsaday quwadahii Yurub sida France iyo Britain midkoodna gacan u ama soo fidin, beddalkeeda waa ayba ku jeesjeeseen oo waxa ay ka dhigteen wax lagu maadaysto. Tusaale ahaan, Edmund Burke oo ahaa xildhibaan caan ahaa oo Ingriis-Irish ah waxa uu yiri “With respect to us, Poland might be, in fact, considered as a country in the moon”.

Sooyaalka Poland dhinac walba oo aad ka fiirisid waxaa ku taxan guluf iyo weerar dawladaha Kirishtaanka reer Yurub waqood ku hayeen Poland. Ka hor qaybsigii Poland, waxaa Poland dhawr goor weerarro aad u dhaacaway lu ekeeyay Iswiidhan. Labo goor ayay Iswiidhan qabsaday Poland (1655-1660, iyo 1701 ilaa 1706).

Dhan kale haddii aan fiirinno dagaalladii Poland muslimiinta la gashay waxa uu ahaa hal dagaal kaas oo dhacay 1672 ilaa 1676. Dagaalkaasna waxaa sababay dagaal sokeeye oo Poland ka socday.

Rag ka mid aha kuwii Poland ku dagaallamay ayaa Ottoman Empire heshiis la galay ka dib na sababay in Cusmaanidu dagaalka soo galaan. Ma jiro dagaal kale oo la sheegi karo oo Poland si toos musliinta u ka gashay marka laga reebo dhawr goor oo ay gaashaanbuur Kirishtaan ah ka mid ahayd.

Haddaba waxaa iswaydiin sababta siyaasiyiinta iyo xagjirka Poland taariikhda u marinhabaabinayaan oo oo taariikh aan jirin u abuurayaan musliintana u beegsanayaan?

Dhammaad…

Waxaa Diyaariyey: Cali M. Diini

Hadalsame Media