Sucuudiga oo qaadaya tillaabo meel halis ah ku dhufan karta Maraykanka & dalka qorshahan la wada (Muxuu qoonsaday?)

0

(Riyaad) 16 Maarso 2022 – Sucuudiga iyo Shiinaha ayaa wada hadal ka leh in dalka Sucuudigu uu saliiddiisa dalka dambe kaga iibiyo lacagta Yuan bedelkii Doollarka, sida uu Saudi werinayo warqaadka Wall Street Journal oo ilo hoose xiganaya.

Labadan dal ayaa tan iyo ugu yaraan 2016-kii ka wada xaajoonayey heshiisyada saliidda ee Yuan-ka, balse waxa ay horumar sameeyeen dhowaanahaan kaddib walaaca isa soo taraya ee Sucuudigu ka qabo sida ay Washington uga go’an tahay ammaanka boqortooyada.

Waloow shaki badani ku gadaaman yahay inuu Shiinuhu gaari karo heer uu damaanad qaadi karo ammaanka Sucuudiga, misna xiriirka Beijing iyo Riyaad ayaa aad u kobcay, iyadoo uu Shiinaha oo ah dalka xirirka ganacsi ee ugu wayn Sucuudiga la leh uu iibsado 25% saliidda Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa sidoo kale udub dhexaad u ah hindisaha Shiinaha ee Belt and Road oo uu ka mid yahay 3-da dal ee ugu sarreeya caalamiyan, sida ay sheegayaan China Global Investment Tracker, oo ay leeyihiin machadka American Enterprise Institute.

Haddii ay KSA saliiddeeda ku iibiso Yuan, waxay taasi saamayn ku yeelanaysaa suuqa saliidda dunida oo 80% Doollar ku iibiya saliidda, iyadoo uu Sucuudigu haatan saliiddiisa 100% Doollar ku gado.

Waxay sidoo kale Shiinaha u noqonaysaa iidheh uu dalalka kalena kaga dhaadhicin karo inay Doollarka u gooyaan, kaasoo saldhig u ahaa wax is dhaafsiga ganacsi ee caalamka tan iyo dhammaadkii Dagaalkii 1-aad ee Dunida.

MUXUU QOONSADAY SUCUUDIGU?

Maamulka Biden ayaa marxaladdii ugu dambaysey marinaya wada xaajood u kula jiro Iiraan oo ujeedadiisu tahay in dib loo soo nooleeyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii. Yeelkeede, Riyadh ayaa ka soo horjeesatey heshiiskii asalka ahaa ee hore waxayna taageertay go’aankii maamulka Trump uu uga baxay heshiiskii 2018-kii, kaasoo ay Washington ku soo rogtay cunaqabatayn aad u wiiqaysa Tehraan.

Si la mid ah dalalka kale ee gobolka, Sucuudigu waxa ay dareemeen ka bixista qallafsan ee Maraykanku ka baxay Afgaanistaan ​​iyo dib u dhiska Washington ee diiradda saaraya xafiiltanka awoodaha waawayn ee Shiinaha iyo Ruushka, taasoo tilmaan u ah kasii jeesadka Maraykanka ee gobolka.

Qaar badan oo ka mid ah arrimahan ayaa soo taxnaa sanado badan, sida markii maamulkii Trump uu diiday inuu ka jawaabo weerarkii waynaa ee 2019-kii ee lagu qaaday xarumaha saliidda Sacuudiga, xiriirka labada dal e xulafada ah ayaa gaarey heerkii ugu hooseeyey xilligan madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xitaa maalin hore la sheegay inay telefoonka ku dhegeysteen dhaxal-sugayaasha KSA & UAE.

Xilligii ololaha, waxaa Biden laga soo sheegay inuu ballan qaaday in uu boqortooyadan qaniga ku ah saliidda ka dhigi doono “Pariah” oo ay tibix loo adeegsado dalalka aan muhiimadda lahayn ee misna sida caalamiyan ah u go’doonsan, isagoo ku haysta dilkii weriyihii Bariga Dhexe ee Jamal Khashuuqji ee sanadkii 2018-kii, isagoo markii uu xilka la wareegayna meesha ka saaray inuu la macaamilo dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman, oo ay Sirdoonka Maraykanku ku sheegeen ninka amray dilkii weriyihii Washington Post.

W: D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media