”Bal eeg waxa ay raashin ahaan idiin siinayaan!” – Arrin yaab badan oo lagu arkay cuntada askarta Ruushka (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Maarso 2022 – Askarta Ruushka ee loosoo diray dagaalka Ukraine ayaa la sheegayaa inaysan haysanin “cunto caadi ah”, maadaama loosoo baakeeyey raashin dhacay 2015-kii, haddiiba uu run yahay warka warqaadka Daily Star ee UK. Halkan ka DAAWO...

Muuqaal ay soo bandhigeen Ciidamada Ukraine ayaa muujinaya baakad ay ku jiraan raashin ka kooban 7 sheey oo loogu tala galay inuu askarigu ku noolaado 24-saacadood, balse markii la furo waxaa soo baxaysa inay xitaa dheceen 7 sanadood kahor.

“Eeg waxa ay samaynayaan, waxay idiin soo dirayaan inaad ku dhimataan dal shisheeye adinkoo aan helaynin waxba oo xitaa cunto caadi ah idin siin maayaan.” ayuu leeyahay askariga Ukraine-ka ah oo tilmaamaya lambarka ku dheggan raashinka oo kala 10 04 13 iyo 10 02 15, oo ka dhigan inay soo bexeen 2013 oo ay dheceen 2015.

Waloow muuqaalka ay warbaahintu faahisay horraantii bishan, msina lama yaqaan xilliga la duubay muuqaalkan oo laga arkayo raashinkan oo ah nooca MRE ee aan karinta u baahnayn (Meal, Ready-to-Eat), kuwaasoo badanaa ka kooban hilib yar oo gasacadaysan, boorash, qamadi biyo la tusay, bariis iyo hilib lo’aad, maraq yar iwm.

Hadalsame Media