Maraykanka oo usii dhowaanaya qorshe cusub oo uu ka fulinayo Somalia (Dhegeysi shalay dhacay)

0

(Washington, DC) 16 Maarso 2022 – Pentagon-ka ayaa laga yaabaa inay kordhiyaan ciidamada ka jooga Soomaaliya, si ay u xakameeyaan ururka argagixisada ah ee al-Shabaab ee sii kordhaya, sida uu shalay senetarrada u sheegay Taliska Maraykanka ee AFRICOM.

Usbuucyadii ugu dambeeyay ee madaxtinimadiisa, Madaxweyne Donald Trump ayaa wuxuu amray “in inta badan” Ciidamada Maraykanky ay ka baxaan Soomaaliya, isagoo u diray qaar ka mid ah dalalka deriska ah oo ay ku jiraan Kenya iyo Jabuuti, waxayna sii wadeen howlgalkooda ka dhanka ah argagixisada iyagoo jooga dalka dibaddiisa, sida ay sheegeen.

Jen. Stephen Townsend ayaa sheegay in Al-Shabaab oo ah koox argagixiso ah oo xiriir la leh Al-Qaacida oo ku sugan bariga Afrika, ay ka mid tahay kooxaha argagaxisada ah ee sida aadka ah u koraya, ugu dhaqaalaha badan, una halis badan” kuwaas oo khatar ku ah Maraykanka, iyo joogitaanka ciidamada Maraykanka, isagoo ku dooday in gaynta ciidamadooda ee wadamada deriska ihi aanay ku fillayn in lala dagaalamo.

Townsend waxa uu sheegay in uu talo siiyay silsilada taliska kala sarreeya oo arrintan ka fikiraya. Waxa uu diiday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo qaybta furan ee dhegeysiga, isaga oo sheegay in uu ” jeclaan lahaa in uu siiyo waqti ay go’aan ku gaaraan.”

Saraakiisha ayaa sidoo kale ka codsaday Aqalka Cad in dhowr boqol oo askari loo diro Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal todobaadkii hore. Senetarrada ayaa iyana Talaadadii sheegay inay taageersan yihiin in la kordhiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Sen. James Inhofe, R-Okla., Xubinta darajada ugu sareysa ee Guddiga Gaashaandhigga ee Senetka, ayaa sheegay inuu ka soo horjeedey amarkii maamulkii Trump ee ahaa in ku dhowaad ​​dhammaan Ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya, laguna tiirsanaado awood dibed joog ah oo hawada sare ah dhanka ka hortagga argagixisada, sida uu u dhigay.

“Waxaan aragnaa sida ay ciyaartani noqotay Soomaaliya iyo in al-Shabaabna ay awood yeesheen.” ayuu ku dooday Inhofe.

Hadalsame Media