“Wuxuu ahaa midkii abid ugu xumaa!” – Israel oo xalay lagu miray weerar aysan horay u arag (Meelaha la beegsaday & cidda la tuhmayo?)

0

(Tel Aviv) 15 Maarso 2022 – Israel ayaa la kulantay weerar aanay qaradiisa horay abid u arag kaddib markii hawada laga saaray oo lala wareegey webabka wasaaradaha gudaha, cadaaladda, caafimaadka, tan cayrta iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Weerar danabeedkan oo lagu tilmaamay midkii abid ugu ballaarnaa ee noociisa ah ayay Israel dareensan tahay inay dowladi ka dambayso.

Warqaadka Israeli-ga ah ee Haaretz ayaa qoraya isagoo ilo difaac soo xiganaya in  “in weerarkan oo ahaa kii ugu xumaa” lala beegsaday webabka sita summad danabeedka qaran ee ‘gov.il’ balse aan la taaban kuwa difaaca.

Waxaa isla xalay xilli dambe lasoo celiyey webabka weerarku saameeyey, balse hay’aadka ammaanka iyo Xafiiska Ammaanka Internet-ka ayaa aad ugu dedaaley in aan iyagana la qabsan webabka leh muhiimadaha istaraatijiga ah, sida kuwa la xiriira kaabayaasha biyaha iyo korontada.

Sarkaal dowladeed ayaa Haaretz u sheegay inay tuhmayaan “inay weerarkan ka dambeeyaan dowlad ama urur wayn,” balse weriye Israeli ah ayaa ka shakisan in Iiraan ay ka dambayso.

iiraan iyo Yuhuudda ayaa aalaaba isku qaada weerarro noocan ah iyadoo ay Ciidamada IRGC ayaa bishii hore u dheceen kaamirooyinka CCTV iyo kaydadka shaqaalaha ee dekedaha magaalooyinka Haifa iyo Ashdod.

Hadalsame Media