Maalqabeennada Ruushanka oo malaayiintooda ula weecday dal Muslim ah & reer Galbeedka oo ka walaacsan

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2022 Maalqabeenka Ruushka ah ayaa sare u qaaday dadaalkooda ah in dhaqaalahooda ay ka soo raraan Yurub ulaa cararaan Dubai si ay uga baxsadaan cunaqabateynta reer Galbeedku ay ku soo rogeen dagaalka ka socda Ukraine dartii, Reuters ayaa sidaa ku warrantay, iyadoo soo xiganeysa ilo dhaqaale iyo sharci oo ka tirsan wadamada Khaliijka.

 Dubai oo ah meel loo dalxiis tago oo caalami ah ayaa sidoo kale loo arkaa xarunta ganacsiga ee gobolka. Diidmadii Imaaraadka Carabta ka muujiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cambaareynta duullaanka millateri ee Ruushka ku galay Ukraine  ayaa u muuqata in maalqabeennada Ruushku ay ku macneeyeen martiqaad.

Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, muwaadiniinta Ruushku waxay dhaqaalahooda ka soo rarayaan Switzerland iyo UK, iyagoo u guuraya Dubai, kaddib markii labadaa waddan ee hore ay cunaqabatayn ku soo rogeen Ruushka, kuna hanjabeen inay xayirayaan hantida ganacsatada iyo siyaasiyiinta caanka ah ee Ruushka.

Qarreen aan magaciisa la shaacin oo fadhigiisu yahay Dubai ayaa u sheegay warbaahinta in shirkadiisu ay ka heshay dhowr waydiimood oo sharciga la xiriira oo ka yimid hay’ado Ruush ah kuwaasoo ku saabsan u wareejinta “dhaqaalo aad u ballaaran oo boqollaal milyan oo doollar ah” dhanka Dubai.

Ilo kale oo ku dhow bangiyada sare ee gaarka ah, ayaa sheegaya in macaamiisha Ruushka ee xisaabaadka ku leh bangiyada gaarka loo leeyahay ee meelo kale ay xisaabo ka furteen bangiyada Imaaraadka Carabta ee maxaliga ah.

Waxay xuseen in tirada macaamiisha Ruushku ay dhowaan kordheen. Ilo kale ayaa intaa raacinaya in ay arkeen koboc ballaaran oo dhowaanahan ku socdey maalgashiga Ruushku ka sameeyay hantida maguurtada ah ee dalkaasi.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in door bididda Imaaraadka Carabtu, gaar ahaan Dubai, ay keenayso iyadoo ah meel ku habboon, oo kaliya dhowr saacadood oo duulimaad ah u jirta Ruushka, islamarkaana aan lahayn nidaamiyeyaal ay la xisaabtamayaan dowladaha reer Galbeedku.

Waxa kale oo UAE aad uga hela dalxiisayaasha Ruushka oo kusoo qulqulayey dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyada oo Ruushku ay ka mid yihiin dadka ugu badan ee soo booqda oo iibsada hantida ma guurtada ah ee Imaaraadka.

Yeelkeede, inkastoo dhaqaalaha Ruushka ee Dubai aan weli la saarin cunaqabateynta reer Galbeedka, ilo-wareedyo dhanka bangiyada ah ayaa sheegaya inay jirto khatar sumcadeed oo waxyeello u gaysan karta hay’adaha maaliyadeed ee dalka haddii uu sii wado la shaqeynta Ruushka oo ay shirkado badan oo Galbeed ihi ay xiriirka u jarayaan.

Mar wax laga waydiiyay lacagaha Ruushka u soo qulqulaya gobolka, Baanka dhexe, Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Dubai, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadku si degdeg ah ugamay jawaabin.

Dhanka kale, Koox-hawleedka Maaliyadda ee Financial Action Task Force, oo ah koox ilaalisa dembiyada maaliyadeed ee caalamiga ah oo fadhigeedu yahay Paris, ayaa todobaadkii hore UAE ku daray “liiska cawlan” ee wadamada ay ahay in kor loo qaado korjoogteyntooda.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in tani ay la micno tahay in bangiyada wadanku ay ku khasbanaan doonaan in ay si taxadar leh 2 jeer u hubiyaan marka ay timaado soo dhowaynta lacagta Ruushka hadii ay rabaan in aysan laftooda ku dhicin ciqaabta Midowga Yurub.

Hadalsame Media