Dal wayn oo Galbeedka Yurub ah oo ku khasbanaaday inuu damiyo kaamirooyinka jidadka ku xiran kaddib gooddin Ruushka ka timid

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2022 – Jarmalku ayaa ku dhawaaqay in aanu hadda kaddib sii dayn doonin tafaasiisha hubka uu u dirayo Ukraine, Afhayeenka Dowladda Wolfgang Buechner ayaa u sheegay Warfidiyeenka, sida ay kasoo xigatey Associated Press.

Siyaasaddan wax qarinta ah ayaa xitaa waxaa ku jiri doonta in laga damiyo qulqulka tooska ah ee muuqaallada kaamirooyinka waddooyinka waawayn ee waddanka, taasoo timid kaddib markii uu Ruushku sheegay in ay shixnadaha hubka ee reer Galbeedka ee Ukraine ula dhaqmi doonaan sida “bartilmaameed sharci ah.”

Buechner ayaa sheegay in marka la eego siyaasadda cusub,  aanu Jarmalku sidoo kale sheegi doonin tirada iyo nooca hubka la geynayo Ukraine ama si “looga fogaado khataraha ammaan” ee ka dhalan kara.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Arne Collatz, wuxuu isna intaas ku daray “in hadafka gardarrada Ruushku yahay in la gooyo waddooyinka saadka ee Ukraine si ay usii adkeeyaan difaaca dalkaasi, mana rabno inaan fududeyno taas.” ayuu yiri.

Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaasi ayaa sidoo kale damisay kaamirooyinka ku xiran waddooyinka waawayn ee Jarmalka sababo dhanka ammaanka ah, iyadoo loo maleynayo inay kahortegeyso in Ruushka uu sahmiyo xogaha iyo sumadda kolanyada hubka kahor inta aysan ka bixin Jarmalka, oo aanu hadhoow ugu beegsanin gudaha Ukraine, sida uu dorraad ku hanjabey.

Horraantii dalkan ayaa ka caga jiidayey in uu hub siiyaan Ukraine, Jarmalku waxa uu ka noqday go’aankaasi yaaqadii bishii Febraayo waxaana uu kumannaan gantaalaha lidka taangiyada ah iyo kuwa lidka diyaaradaha u diray millateriga Ukraine.

Dawladda Chancellor Olaf Scholz ayaa sidoo kale u oggolaatay dalalka Netherlands iyo Estonia inay Ukraine u diraan kaydkooda hubka Jarmalku sameeyay ee ay haystaan.

Dadka ayaanse fahmaynin sababta uu Jarmanku u qarinayo saadkan hubka ah, haddiiba uu haatan qirayo inuu Ukraine u dirayo.

SAWIRKA – Askar Jarmal ah oo diyaarinaysa madaafiicda howsarka ah ee taangiyada si loogu qaado Lithuania, iyagoo jooga Saldhigga Ciidanka Bundeswehr ee Munster, Jarmalka, Febraayo 14, 2022.

Hadalsame Media