Dayuurad kale oo Ruush ah oo markii 2-aad gashay hawada dal NATO ah iyadoo aan la arag (Baaris socota)

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2022 – Daroon kale oo aan  laakiin markan wax calaamad ah lahayn ayuu nin beeraley ihi ka helay woqooyiga Romania, meel aan sidaa uga fogayn xadka ay la leeyihiin dalka Ukraine.

Dalkan oo NATO ka tirsan ayay saraakiishiisu haatan baaris ku hayaan, iyadoo uu shilkani raacayo midkii todobaadkii hore ku burburay dalka Croatia kaddib markii uu isu maray 4 dal iyadoo aan la arag.

Booliiska iyo dembi baarayaasha ayaa iskugu yimid Degmada Bistrita-Nasaud ee gobolka Transylvania, kaddib markii uu ninku daroonkan ka helay beer u dhow, iyadoo ay dacwad oogayaasha magaalada u dhow ee Cluj ay sheegeen in aan weli “la garanin cidda iska leh daroonkan,” sida ay qortay AP.

Daroonkan ayaase nooc ahaan lagu sheegay nooc Ruush-sameega ah ee Orlan-10, balse lama yaqaan ciddii ku aqdaamanaysey.

Bistrita-Nasaud waa koonfurta buuralayda Carpathian iyadoo ilaa 100 km (62 mayl) u jirta xadka Romania la leedahay galbeedka Ukraine – sidaa darteed uma dhowa goob dagaal.

Arrinta markale xasaasiga ihi waxay tahay in aan la aqoon sida uu daroonkani 100 km usoo galay hawada Romania oo muhim u ah Gaashaanbuurta NATO dhanka woqooyi bari Yurub iyadoo aysan arag raadaaradda Ciidanka Cirka iyo xitaa kuwa rayidka ah ee hay’aadka duulista hawada.

Hadalsame Media