”NATO xitaa ma difaaci doonto dalalka xubnaha ka ah!” – MW Ukraine oo ”daciif” ku tilmaamay NATO & isbeddel ka muuqda

0

(Kyiv) 15 Maarso 2022 – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhaleeceeyay NATO Talaadadii, isaga oo sii xoojiyey isbaheysiga kaddib weerarkii Ruushka, isagoo ku andacoonaya in kooxdan millateriga ah ee uu hogaamiyo Mareykanka aysan ka go’neyn ixtiraamidda qodobka 5-aad ee difaaca wadajirka ah.

Isagoo jeedinayey khudbo muuqaal ah oo duuban, hogaamiyaha Ukraine wuxuu ku andacoodey in qodobka difaaca wadajirka ihi uusan waligiis gaarin heer uu ka daciifsan yahay sida uu maanta yahay.

Waxa uu ku dooday in NATO ay u badan tahay inay ku fashilmi doonto inay ilaaliso xubnaheeda haddii mid ka mid ah uu la kulmo cadawgu, sida Ruushka.

NATO ayaa diiday inay si toos ah u soo dirto ciidamo difaaca Ukraine, maadaama aysan ka mid ahayn xulafada militeri ee NATO, waxayna ka digtay in ku lug lahaanshahaas ay horseedi doonto iska horimaad toos ah oo lala galo Ruushka.

Zelensky ayaase wuxuu soo jeediyay, si kastaba ha ahaatee, ay NATO uga jawaabi doonto “si la mid ah sida looga aamusay Ukraine” haddii Ruushu uu xitaa weeraro waddan xubin ka ah NATO.

Hoggaamiyeyaasha wadamada NATO ayaa marar badan ku gacan seyray soo jeedin kasta oo ah in aysan ka go’neyn dhaqangelinta qodobka 5-aad ee dammaanad qaadaya isdifaaca wadajirka ah ee ka dhaxeeya wadamada xubnaha ka ah gaashaanbuurtan.

Isagoo ka hadlayey Lithuania todobaadkii hore, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku tilmaamay ka go’naanta Maraykanka ee qodobka 5-aad mid “muqadas ah”.

Warar ay faafiyeen warbaahinta Galbeedka sida France 24 ayaa sheegay in MW Ukraine uu kasii quusanayo ku biirista NATO kaddib markii uu saluugey bandhiggooda kaddib duullaankii Ruushka ee 24-kii bishii tagtay, tiiyoo ay jirto inay aad shafka ugu garaacayeen duullaanka kahor, isagoo haatan u diyaar ah inuu toos ula xaajoodo dhiggiisa Ruushka waloow aan weli kulankaa la muddaynin.

Hadalsame Media