Dowladda Ingiriiska oo aad uga xumaatay arrin ay ku dhaqaaqeen taageerayaasha Chelsea (Arag sawirka)

0

(London) 15 Maarso 2022 – Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay in taageerayaasha Chelsea ay ku khasban yihiin inay joojiyaan heesahooda “aan gebi ahaanba habboonayn” ee ay ku taageerayaan milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

Kahor inta aan hantidiisa aanay xayirin Dowladda UK taasoo ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo xiriirka lagu eedeeyay inuu la leeyahay Madaxweyne Vladimir Putin, Abramovich waxa uu naadiga iib suuqa u dhigay 2-dii Maarso iyadoo ay doonayso Saudi Media Group oo Sucuudi ah oo soo bandhigtay dalab ku kacaya $3.5 bilyan oo doollar Isniintii.

At the weekend during their side’s 1-0 home win over Newcastle United sealed by an 89th minute Kai Havertz winner, a pocket of Chelsea fans again voiced their support for Abramovich with chants during the second half that Johnson’s spokesman has since dubbed “completely inappropriate,” while a “Roman Empire” banner with Abramovich’s face and the Russian flag on it was also proudly on display.

“We recognize the strength of feeling around people’s clubs but that does not excuse behavior which is completely inappropriate at this time,” the spokesman

Dhamaadkii isbuucaan intii ay socotey ciyaartii ay 1-0 kaga badiyeen Newcastle United ee uu goolka daqiiqaddii 89′ dhaliyay Kai Havertz, qayb ballaaran oo ka mid ah taageerayaasha Chelsea ayaa mar kale muujiyay taageerada ay u hayaan Abramovich iyagoo ku xadraynayey hoobeey ay isla qaadayeen intii lagu jiray qeybtii labaad ee ciyaarta taas oo uu Afhayeenka Johnson uu ku tilmaamay “wax aan habooneyn,” iyagoo” sitey boor uu ka muuqdo wejiga Abramovich iyo calanka Ruushka oo lagu dul qoray ”Boqortooyada Roomaanka.”

“Waan aqoonsan nahay xoogga dareenka ku xeeran naadiyada dadka, laakiin taasi marmarsiinyo uma aha hab-dhaqankan aan gebi ahaanba habboonayn xilligan,” ayuu ku dooday afhayeenku.

“Waxaan u maleynayaa in dadku ay muujin karaan xamaasadooda iyo taageerada ay u hayaan naadigooda iyaga oo aan gaarin heerkan ama aan isticmaalin waxyaabahan oo kale.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media