Danjiraha Maraykanka ee Somalia oo si dhega-hadal ah ula hadlay dadka hortaagan doorashada dalka

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2022 – Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya u fadhiya Soomaaliya, Larry André, ayaa ku eedeeyay madaxda Soomaalida in ay mas’uul ka yihiin khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, isagoo xusay in tani ay abuurtay jawi ay Al-Shabaabku ku kordhiyeen weerraradooda.

André ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha ku sheegay in Al-Shabaab ay ka faa’ideysaneyso loollanka siyaasadeed ee taagan si ay u xoojiso weerarrada argagaxisada ah ee ay ka geysaneyso dalka, sida uu yiri.

“Al-Shabaab way ka xoog badan yihiin sidii hore. Waxay wataan dardar waxayna ku jiraan weerarka. Waxaan aragnay tan iyo sannadkii la soo dhaafay iyadoo qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay doorteen inay siyaasadda ka hormariyaan sidii Soomaalida looga difaaci lahaa dilalka, baadda iyo dembiyada kale ee kooxdan, “ayuu ku qayliyey diblamaasiga ugu sarreeya Maraykanka ee Soomaaliya.

Danjire André ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda, isla markaana hal hadaf laga yeesho dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay dib u cusboonaysiiyaan go’aankooda ku aaddan hoos u dhigista awoodda al-Shabaab ee weerarrada iyo in Soomaaliya laga dhigo meel ammaan.” ayuu Safiirku hadalkiisa ku daray.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii kordheen weerarrada ay Al-Shabaab ka geysanayaan Caasimadda Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka.

Waxayna maanta Muqdisho ku dileen maamulahii Iskuulka Degmada Deyniile, Daahir Xasan Tooxow, oo loo yaqaanney Daahir Digdigle.

Hadalsame Media