Markii ugu horreeysey oo lagu wado inay madax sare oo Yurub ihi la kulmaan MW Ukraine (3 RW oo ku jira)

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2022 – Ra’iisul wasaarayaasha Poland, Czech Republic iyo Slovenia ayaa la sheehay inay tegayaan caasimadda Ukraine Talaadadan, iyagoo ku socda qorshe dhanka Midowga Yurub ah si ay taageero ugu muujiyaan dalkan, xilli ay Ciidamada Ruushku ay ku sii dhowaanayaan Kyiv.

Ra’iisal wasaaraha Czech Petr Fiala ayaa bartiisa twitterka ku sheegay: “Ujeedka booqashadu waa in aan muujinno taageerada aan mugdiga ku jirin ee Midowga Yurub ee Ukraine iyo xorriyadeeda iyo madax-banaanideeda.”

Waxaa ku wehlin doona Ra’iisul Wasaaraha Slovenia, Janez Jansa, Ra’iisul Wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki iyo Jaroslaw Kaczynski oo ah Ra’iisul Wasaare Xigeenka Poland iyo dhanka amniga ahna hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Muxaafidka ah.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa Talaadadii ku soo dhowaaday bartamaha Kyiv, iyadoo duqeymo isdaba joog ihi ay ku dheceen xaafado ku yaal caasimadda, xilli labada dal ay qorsheynayeen wareegyo kale oo wadahadal ah.

Madaxdan ayaa la sheegay inay xadka Ukraine kasoo gudbeen balse kaddib wacaal lagama helin.

Hadalsame Media