Maraykanka & Israel oo muujiyey inaysan weli isku mowqif ka ahayn go’doominta Ruushka (Israel oo eeganaysa dan ka dhan ah Syria oo ay Ruushka ku qabto)

0

(Washington, DC) 15 Maarso 2022 – Maraykanka ayaa ku boorriyey Israa’iil inay gacan bir ah ku qabato hantiilayaasha (Oligarchs) Ruushka, xilli ay Washington iyo xulafadeedu sii wadaan dedaallada Vladimir Putin iyo xulafadiisa looga go’doominayo nidaamka maaliyadeed ee caalamka ee ay Galbeedku horseedka ka yihiin, kaddib duulaankii Ukraine.

Waraysi ay siisay Channel 12 News ee Israa’iil, Victoria Nuland, oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda, ayaa soo jeedisey in Israa’iil ay ku biirto cunaqabateynta dhaqaale iyo dhoofinta ee Washington ay ku soo rogtay Putin.

“Ma aha inaad noqotaan hoyga ugu dambeeya ee lala galo lacagta wasakhda ah ee hurinaysa dagaallada Putin,” ayay tiri Nuland. “Markaa Israa’iil waa inay samaysaa wixii ay awooddo. Waa inaan caburinaa maamulkan. Waa inaan u diidnaa dakhliga uu u baahan yahay, oo aan majuujinnaa hantiilayaasha ku hareeraysan; waxaan ceejinaynaa dhaqaaliisa” ayay tiri.

Nuland waxa ay intaa raacisay in ku biirista Israa’iil  ee cunaqabataynta dhaqaale ay ugu muhiimsan tahay Maraykanka, marka loo eego inay bixiso gargaar millateri ama inay door ka ciyaarto dedaallada dhexdhexaadinta ee u dhexeeya Putin iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Ilaa hadda, Israa’iil waxa ay isku dayaysaa in ay isu dheelli tirto taageerada ay siiso Ukraine oo aanay ka caraysiinin Moscow, oo ay ku tiirsan tahay oggolaanshihiisa xeeladaysan marka ay weerarrada ka fulinayaan hawada Suuriya oo uu Ruushku ku leeyahay kaabayaal ciidan oo ridi kara dayuuradeheeda.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa soo baxayey warar sheegaya in ugu yaraan 14 diyaaradood oo Ruushku leeyahay ay ku soo degayeen Garoonka Caalamiga ah ee Ben-Gurion ee magaalada Tel Aviv, xilli ay Galbeedku hawadooda ka xirteen Ruushka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dowladaha reer Galbeedku ay bilaabeen cunaqabatayn lagu beegsanayo madaxda Ruushka iyo hantiilayaasha u dhow dhow, waxaana Israel lagu arkay Roman Abramovich oo shalay Tel Aviv joogey isagoo kasoo duulay Istanbul, sida ay Reuters faafinayso.

Israel oo dareemaysa cadaadiska Galbeedka, ayuu Wasiir Dibadeedkeeda Yair Lapid wuxuu shalay sheegay in aan iyaga loo adeegsan karin meel ay Ruushku uga baxsadaan cunaqabataynta la saaray.

Hadalsame Media