ISHAARO IIMAYSAN: Madaxtooyada oo markale qaadday tillaabo ay ku ceebowdey & dood ka dhalatay

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2022 – Madaxtooyada ayaa shalay soo saartay bayaan tacsi ah oo ku socda Marxuum Ismaaciil Max’uud Shidane oo Muqdisho ugu geeriyoodey xanuunno la sheegay inuu muddaba la tacaalayey.

Waloow warar aynaan xaqiijin karin ay sheegayeen in marxuumku aanu kaalmo uu isku daweeyo ka helin kooxda Villa Somalia xitaa kahor intii aanu xannuunku aad usoo ridanin 15-kii maalmood ee ugu dambeeyey, misna Madaxtooyada ayaa u tacsiyaysey.

”Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane oo maanta ku geeriyoodey magaalada Muqdisho,” ayaa lagu bilaabay tacsida.

”Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane, waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isaga oo door weyn ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka. Alle ha u naxariisto, hoygiisana ha ka yeelo Jannatul Firdowsa.” ayaa la daba dhigay dhambaalka tacsida ah ee Villa Somalia.

Ha yeeshee, waloow ay waajib tahay in loo tacsiyeeyo marxuumka Allena dembi dhaaf loo waydiiyo, misna tacsidan ayaa dood ka abuurtay baraha bulshada iyadoo ay dad badan gocdeen in Madaxtooyadu aanay u tacsiyaynin rag muddo dheer u shaqaynayey DF Somalia, sida weriye Cabdicasiis Afrika oo dabayaaqadii bishii Nofeembar lagu diley magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa diidmo iyo shaamarreer is barkan ka muujinayey in aan laga tacsiyayn xitaa midkii dhaawacmana aan la booqan markii uu Madaxwaynuhu tegey Istanbul oo uu yaalley Sharma’arke oo isna ku dhaawacmay qaraxii Afrika lagu khaarajiyey oo labaduba ahaa howlwadeenno dowladeed.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay arrintani muujinayso wacyiga liita ee Madaxtooyada oo wax kasta ku salaynaysa taageero, balse aan muujinaynin dareen mas’uuliyadeed iyo bisayl ku qotoma in runtii ay Madaxtooyadu tahay meel ka mas’uul ah mucaarad iyo muxaafad.

Dadwaynaha ayaa marar badan dareema marnaan hoggaamineed iyadoo ay madaxda sare danohooda gaarka ah ku maqan yihiin, islamarkaana aysan u dhaqaaqin haddii la baaba’o, haddii la baahdo iyo haddii la isku buuqo. Tusaale waxaa loosoo qaadan karaa sida loo wajahey abaaraha haatan dalka ka taagan.

Tifaftirka

Hadalsame Media