”Waxaan u aargudayey Qaasim Sulaymaani” – Gabar Iiraani ah oo nin ay sheeko wadaag ahaayeen Maraykanka ku middiyaysey (Xeeladda ay adeegsatey)

0

(Las Vegas, NV) 14 Maarso 2022 – Haweeney 21-sano jir ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo oogay inay mindi ku dhufatay nin ay ballamisay oo ay xiriir lahaayeen bishan, iyada oo u aargudeysay dilkii Maraykanka uu u geystay Jeneraalkii sare ee Iiraan ee Qassem Soleimani 2020, warbaahinta Maraykanka ayaa sidaa ku warrantay, iyadoo soo xiganeysa booliiska.

Nika Nikoubin ayaa lagu eedeeyay in ay qoorta mindi ka galisay qof aan la carrabaabin oo ay la ballantay kaddib markii ay indhaha ka xirtey iyadoo u sheegtay inay ”ya yaabinayso”  iyagoo ku wada sugnaa qolka hudheelka Las Vegas 5-tii Maarso.

Labada qof ayaa ku heshiiyey inay kulmaan kaddib markii ay ku wada xiriiraan bogga shukaansiga ee Plenty of Fish, KLAS-TV, oo ku yaal Las Vegas, Nevada balse xiriir shaqo la leh CBS ayaa warkan tebiyey asalkii.

SIDEE WAX U DHECEEN? Nikoubin ayaa indhaha ka xirtey ninka, waxaanay deeto damisey nalka, kaddibna waxaa uu dhibbanuhu “dareemay xanuun dhinaca qoorta ah” oo ay mindida uga dhufatay.

Ninka ayaa deeto inta iska tuuray bannaanka u orday isagoo dhaawacan wuxuuna wacay lambarka qayladhaanta ee 911, halka gabadha lafteedu ay bannaanka u oroday iyadoo shaqaalihii hoteelka u qiratay ”inay ninka u dhaawacday si ay ugu aar guddo Qaasim Sulaymaani” oo 2020 ay Maraykanku ku khaarajiyeen bannaanka Gegada Baqdaad.

Waxa ay sheegtay in ay dhageysatay hees la yiraahdo “Grave Digger,” ama Qabri Qode taas oo “siisay dhiirigelinta falkan ay samaysay… si ay u fuliso aargoosigeeda.”

Haweeneyda ayaa lagu soo oogay dacwad ah isku day dil, haysiga hub halis ah, iyo xisaabo kale oo dembi ah, waxaana lagu sii dayn karaa damiin dhan $60,000 oo doollar. Nikoubin ayaa lagu wadaa in maxkamad kasoo muuqato 24-ka bishan Maarso.

Hadalsame Media