”Dagaalka waxaan kusoo gelaynaa cudud buuxda!” – NATO oo Ruushka u dhigtay ”khad cas” + Shuruudda

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2022 – Jake Sullivan, oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Marykanka ee Joe Biden, ayaa uga digay Ruushka in NATO ay si cudud buuxda ku “geli doonto dagaalka” haddii weerar loo gaysto dhulka NATO – kas iyo kama’ba – kaddib markii Moscow ay weerartay saldhig millateri oo Ukraine ay ku leedahay meel u dhow xadka Poland.

Ninkan oo kasoo muuqday hilinka gaarka ah ee CBS gaar ahaan barnaamijka ‘Face the Nation’ dufcaddii shalaytoole, waxa ay martigeliyaha barnaamijka ee Margaret Brennan ay Sullivan waydiisey in siyaasadda Maraykanku ay hadda tahay “in weerar kasta oo lagu qaado dhulka Poland ama hawadeed, ula kac iyo haddii kaleba” loo qaadan doono weerar ka dhan ah NATO.

“Madaxwaynuhu wuxuu si cad u sheegay marar badan in Maraykanku uu la shaqeyn doono xulafadeenna si aan u difaacno taako kasta oo ka mid ah dhulka NATO, taasna waxay la micno tahay inji kasta,” Sullivan ayaa ku jawaabay, isagoo sharraxay in “haddii uu dhaco weerar millateri oo lagu qaado dhulka NATO, ay sababi karto dhaqangelinta qodobka shanaad, oo NATO ku waajibinaya inay “dagaalka ku gasho xoog buuxa.”

“Eeg, waxaan dhihi doonaa waa in haddii Ruushka uu weerarro, uu rasaas ku furo, ama toogasho ka gaysto dhulka NATO, isbahaysiga NATO ayaa jawaab buuxda ka bixin doona.”

Warkan ayaa yimid kaddib markii ay Ciidamada Ruushku ay qaadeen weerar cirka ah oo ka dhan ah xerada millateriga Yavoriv, ​​oo sidoo kale loo yaqaan Xarunta Caalamiga ah ee Nabadda iyo Amniga, oo qiyaastii 10 mayl uun u jirta xuduudka Poland Axadii.

Kiev waxa ay sheegtay in 35 qofi ay ku dhinteen weerarka halka 130 kalena ay ku dhaawacmeen, balse millateriga Ruushka ayaa sheegay in “ilaa 180 dagaalyahano ajnabi ah” lagu dilay weerar ay lagu fuliyey “gantaalo shiishkoodu uu saxan yahay”, balse Kiev ayaa diiday sheegashadaasi.

Hadalsame Media