Beesha Caalamka oo Somalia hagar ku bilowday dagaalka Ukraine dartiis (Maxaa is bedeley?)

0

(Muqdisho) 10 Maarso 2022 – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda dalka Ukraine uu saamayn xun ku yeeshay jawaabihii ay ka bixin lahaayeen baahida gargaar ee Somalia oo haatan ay ka jirt abaar baahsani.

Qaramada Midoobay ayaa farta ku goddey in lacagihii loogu talo galay in wax lagaga qabto abaarta Somalia ay haatan adag tahay in loo fasaxo Somalia, tiiyoo ay Ukraine heleyso gargaar aad u fara badan oo uga kala imanaya meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan reer Galbeedka.

QM ayaa horay u sheegtay in Somalia u baahan tahay $1.46 bilyan oo doollar oo wax lagaga qabto dalka Somalia oo ay iskugu darsameen abaaro iyo khilaafyo daba dheeraaday, sida uu tilmaamay Adam Abdelmoula, oo ah Xiriiriyaha Howlaha Bini’aadminnimada ee Qaramada Midoobay ugu qaybsan Somalia.

Hadalsame Media