DEG DEG: Markii ugu horreeysey oo ay kulmayaan wefdi heer wasiir ah oo ka socda Ruushka & Ukraine (Madasha oo ay hadda soo gaareen)

0

(Antalya) 10 Maarso 2022 – Wasiir Dibadeedka Ruushka ee Sergey Lavrov iyo dhiggiida Ukraine ee Dmytro Kuleba ayaa soo gaarey gobolka dalxiiska loo tago ee Antalya oo uu ka dhacayo kulan 3 maalmood soconaya oo dhex maraya Türkiye, Russia iyo Ukraine.

Kulankan oo maantaba ka furmaya madasha Antalya Diplomacy Forum ayaa qayb ka ah dedaalka ay Ankara ku doonayso inay ku dhedhexaadiso labadan dal.

“Waxaan rajaynayaa in kulankan lagu gaaro xal daacad ah oo lagu dhamaynayo dagaalka uu Ruushku soo qaaday ee aan loo adeegsan dacaayad ahaan,” ayuu Kuleba ku yiri farriin muuqaal ah.

Türkiye ayaa xiriir dhow la leh labada dal ee  Ukraine iyo Russia wuxuuna ka hadlayaa higsigooda.

“Waxaannu ka shaqaynaynaa joojinta xasaraddan oo musiibo isu rogaysa. Waxaan rajaynayaa in kulanka wasiirradu uu keeno xabbad joojin buuxda oo joogto ah .”  ayuu yiri MW Türkiga ee Recep Tayyip Erdogan oo xalay sii hadlayey.

Hadalsame Media