”Idinka ayaa doonaya adeegsiga hubkaas!” – Maraykanka oo ka hadlay eedda ah inuu Ukraine ku leeyahay shaybaarro lagu bacrimiyo cudur-sidayaal halis ah

0

(Washington, DC) 10 Maarso 2022 – Maraykanka ayaa diidey eedeymaha Ruushka ee ah in uu Ukraine ka caawiyay in uu samaysto shaybaarro “biolabs” ku yaalla gudaha Ukraine oo lagu diyaariyo cudur-sidayaal aad u khatar badan.

Moscow waxay sheegtay in Kyiv ay u xusul duubeyso sidii ay u burburin lahayd agabka ayna u qarin lahayd ku xadgudubka suurtagalka ah ee heshiiskii Hubka Bayolojiga ah ee 1972 (BWC).

“Maraykanku kuma laha, mana ka hawlgalo wax shaybaae kiimikaad ah ama bayooloji ah gudaha Ukraine, waxa uu si buuxda u fulinayaa waajibaadkiisa ku xusan heshiiska hubka kiimikada iyo heshiiska hubka noolaha, mana sameeyo ama kuma haysto hubkaas meelna,” ayaa uu yiri Afhayeenka Ned Price oo hadashay Khamiistan.

Sarkaalkan Maraykanka ah ayaa ku dooday in Moscow, oo aanay Washington ahayn, balse ay Moscow tahay midda wadday “barnaamijyo hub kiimikada iyo bayolojiga ah,” laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu keeno wax caddayn ah oo uu ku xoojiyo hadalladiisa.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa ka dhawaajisay hadalka Price, iyadoo sidoo kale ku eedeysay Moscow inay dejisey masraxa weerar “loo taagayo calan beenaad”, taasoo ah eed ay Maraykanku horay u soo jeediyeen.

“Waa inaan dhammaanteen ka digtoonaannaa in Ruushka ay suurtagal tahay inuu Ukraine u isticmaalo hubka kiimikada ama bayolojiga ama inuu abuuro qiil beenaad uu ku isticmaali karo.” ayay ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter Arbacadii.

Hadalsame Media