Ruushka oo digniintii ugu waynayd diray & reer Galbeedka oo kala qaybsamay

0

(Moscow) 08 Maarso 2022 – Wararka ka imanaya Moscow ayaa tibaaxaya in Dowladda Ruushku ay ka digeyso inay xiri doonto dhuumaha gaaska qaada ee ugu waawayn Jarmalka haddii reer Galbeedku ay mamnuucaan shidaalka Ruushka.

Alexander Novak oo ah Raysal Wasaare Xigeenka Ruushka ayaa tibaaxay in tallaabadan oo kale ay horseedi doonto wax uu ku tilmaamay “masiibo xun” oo ku timaada saadka caalamiga ah.

Waxaa kale oo uu iftiimiyey isagoo gooddinaya inay keeni doonto in uu aad u sicir bararo qiimaha shidaalka oo 3 laabmi kara ilaa gaaro ilaa $300 halkii fuusto.

Jarmalka iyo Netherlands ayaa ilaa haatan si cad u diidey qorshe uu Maraykanku ku doonayo in uu mamnuuco shidaalka Ruushka iyo xulafadiisa si uu ugu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday Ukraine, balse EU oo ku dhowaad kala bar boqolkiiba tamarta ka hesha Ruushka ayaanu ka fikirin halka ay ka heleeyso biddaalka.

Hadalsame Media